4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Safiirka Somalia u Fadhiya dalka Kenya oo beeniyay in Soomaaliya ay diiddan tahay Maalgalinta Ciidamada Badda Kenya
Axad, February 17, 2013 (HOL) - Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)  ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay ishortaagtay qorshihii ay dawlada Kenya ku doonaysay $10 milyan, kaasoo ay rabtay Kenya inay u ansixiyaan golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Isagoo waraysi siinayay wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee “The Daily Nation”  ayuu safiirku beeniyay in Soomaaliya ay is hortaagtay lacag la siin lahaa dalka Kenya.

Waxaana uu sheegay in mawqifka dawlada Soomaaliya ee arrintan ku aadan uu yahay mid cad, Soomaaliyana ay doonayso in ciidankeeda badda la siiyo wixii kharash ah ee ku bixi lahaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan door bidaynaa in nala ka caawiyo dhisitaanka ciidankeena badda, kaasoo kharash badani uusan ku baxayn , ahna mid hawl kar ah oo soo celin kara nabadgalyada Soomaaliya iyo tan gobolkaba” ayuu yiri Cali Ameeriko.

Safiirka ayaa sheegay in si khaldan loo fahmay mawqifka xuukumada Soomaaliya ,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan ka hor imaanayn hadii Kenya ay taageero dhaqaale u raadsanayso ciidankeeda badda.

“Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya marnaba kama soo horjeedo  taageerada la siinayo ciidamada badda ee Kenya, waana mid u taalla dawlada Kenya nooca taakulaynta ay doonayaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalka safiirka Soomaaliya ayaa yimid xilli ay warbaahinta dalka Kenya si wayn uga hadlaysay diidmadii Soomaaliya ee ku aadanayd in ciidamo Afrikaan ah ay ilaaliyaan badaha Soomaaliya, iyadoo qaar kamid Keenyaatiga ra'yigooda dhiibanayayna ay aad uga xumaayeen tallaabada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka sheegtay golaha ammaanka ee qaramada midoobay in Soomaaliya ay ka haysato dhibaato dhinaca burcad badeeda iyo soo galinta hubka sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya,balse aysan ogolaan doonin in ciidamada Kenya iyo kuwa Amisom ay ka hawlgalaan biyaha Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya