4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Qarax dilay ruuxii aasayay oo xalay ka dhacay Magaalada Garissa ee xarunta Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) - Qarax Miino oo aad u xooggan ayaa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii uu ka dhacay gudaha magaalada Garissa, iyadoona la sheegay in qaraxu uu ku dhintay ruux doonayay in uu aaso.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay in uu damacsanaa in Miino uu ku aaso garoon lagu dheelo kubadda oo ku yaal Iskuulka loo yaqaan Garissa Primary, halkaasoo inta badan ay dadka kula hadlaan musharaxiinta ku loolameysa ololaha doorashada dalka Kenya.

Goobjooge ku sugan magaalada Garissa ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Garissa, wuxuuna xusay in uu ku dhintay oo qura ruuxii aasayay.

"Qaraxu wuxuu ka dhacay iskuulka Garissa Primary, ninkii Miinada aasayay ayaa ku dhintay, cad cad ayuuna u googo'ay," sidaa waxa yiri Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Garissa oo u waramayay HOL.

Qaraxa kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska, waxaana saaka isugu yimid iskuulka weyn ee Garissa Primary dadweeyne aad u fara badan, kuwaasoo doonayay in ay arkaan sida ay wax u dhaceen.

Qaraxyada iyo falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Garissa ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada guud ee madaxtinimada dalka Kenya, taasoo ololaheeda uu imika ka soconayo guud ahaan dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya