4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Munaasibad ku saabsan fanka iyo dhaqanka Soomaalida oo Minnesota lagu qabtay

Sabti, Feberaayo 16, 2013 (HOL) - Munaasibadaan oo diirada lagu saaray dhowr qodob oo isugu jira fanka, dhaqanka iyo soo-noolaynta afka Soomaaliga ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey urur ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ka Joog, waxaana ka soo qeybgalay dad badan oo isugu jiray qeybaha bulshada.

Intii ay socotay munaasibaddan oo looga gol-lahaa in aysan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku barbaaray ama ku dhashay Mareykanku lumin dhaqanka iyo luuqadooda hooyo, maadaama ay daris iyo deegaan la noqdeen bulshooyin kale, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qeybo suugaaneed oo isugu jiray gabayo, heeso iyo sheekooyin ku saabsan qeymaha ay ummad waliba u leeyihiin dhanka iyo afkoodu, kuwaasi oo ay goobta ka soo jeediyeen abwaano iyo dad suugaanta wax ku cabira.

Taarikhda Ka Joog 

Ka Joog, waa urur ay ku midaysan yihiin koox dhalinyaro da’yar Soomaali-American ah oo  ku dhaqan magaalooyin mataanaha ah ee gobolka Minnesota, kuwaasi oo sida magacoodaba ka muuqata  ka shaqeeya sidii ay dhalintu uga fogaan lahaayeen rabshadaha, damniyada qorshaysan, isticmaal muqaadaraadka iyo ka mid noqoshada fikradaha xagjirnimadda, taa beddalkeedana ay uga qeybqaadan lahaayeen dhaqdhaqaaqyada caadiga ah ee noloshada bulshada, sida in ay waxbartaan.

Kooxdan waxaa la aas-aasay sanaddii 2007-dii, xiligaasi oo ahayd waqtigii ugu xanuunka iyo dhibka badnaa ee soo mara jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, oo ah hal ay ugu badan yihiin Soomaalida Mareykanka u soo haajiray, iyadoona xiligaasi siyaabo kala gedisan dilal gudaha gobolka Minnesota loogu geystay dhowr dhalinyaro Soomaaliyeed ah, halka  tiro ka badan labaatanna ay dib ugu laabteen Soomaaliya, si ay uga garab dagaalamaan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabab.

 Cabdimaalik Xassan, oo ah dhowr iyo labaatan jir ku barbaaray Minnesota, kana mid ah Ka Joog ayaa HOL u sheegay in iyagoo ka dhiidhinaya dhibaatooyinkaasi faraha badan ee soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, gaar ahaanna dhalinyaradda ay yagleeleen ururkaan, isagoo sheegay in barnaamijyada ceynkaan ah ee ku saabsan dhaqanka iyo suugaantu ay ka mid yihiin tillaabooyinka dhalinyarada looga hor-istaagi karo in ay nolosha ku guul-dareystaan oo ay ka qeyb ka noqdaan dambiyada, islamarkaana taa beddalkeeda lagu dhiiragalinkaro in ay waxbartaan, si ay mustaqbalka u guulaystaan.

“fikirkeenu, waxaa uu ahaa in dhalinyarada loo abuuro fursado lagu tusayo in dhalintadu ay ka fagaadaan dhibaatooyinka sida, isticmaalka muqaadaraadka, islamarkaana ay u leexdaan dhinaca waxbarashada iyo fanka,  sababtoo ah haddii aad waxbarato waa sida kaliya ee aad ku guulaysankarto,” ayuu yiri Cabdimaalik Xassan.

Dhalinta qurbaha iyo ku hadalka Af-Soomaaliga

Sheekadii ugu xiisaha badneyd ee i soo jiidatay intii aan madashaan ku sugnaa waxaa ay ahayd in dhalinta ururkaan Ka Joog oo sida aan dareemayey badidoodu ku barbaaray Mareykanka ay isku dayeyeen in dadkii goobta joogay ay kula hadlaan luuqadooda hooyo ee Soomaaliga oo ay qaarkoodba suugaan ku tirinayeen, sida heeso iyo gabayo, si ay u dhiiragaliyaan da’dooda dhaqanka iyo luuqaduba ku adkaatay, inkastoo mararka qaar khudhoodu ay ku dhawaaqayeen ereyo ka mid ah luuqada wadanka ee Ingiriiska.

“Aniga ‘Ka Joog’ waxaa naga go’an in aan noolayno dhaqankeena iyo suugaanteenna intaba, sidaasi daraadeed waxaan marwaliba qabanaa munaasibado ay dhalinyaradu ka soo qeybgalikaraan, kuwaasi oo aan ku soo bandhigno, ciyaaro dhaqameed, suugaan nuucyo kala duwan leh sida: heeso iyo gabayo, si aan u soo jiidano, islamarkaana aan u wacyi galino dhalinyarada Soomaaliyeed ee Minnesota ku dhaqan,” ayuu yiri Maxamed Faarax, oo madaxda ururkaan ka mid ah.

Wax qabadka dhalintaan

Dhalinyarada ayaa intii ay howshaan wadeen waxaa ay sameeyeen dadaal badan oo wax loogu qabanayo dhalinyarada Soomaaliyeed, sida in ay xabsiyada ku booqdaan dhalinta Soomaaliyeed ee dambiyada u galay xabsiyada gobolka Minnesota, sidoo kale in ay la hadlaan dhalinyarada dhiggooda ah, islamarkaana ku dhiiragaliyaan in ay ka faa’ideystaan fursadaha badan ee ay ka halikaraan wadankaan sida waxbarashada iyo muru- maalnimada intaba.

“Waxaan aminsanahay in aan ku guulaysatay hadafkeeni ahaa in aan dhalinta wacyi-galinno, waxaana sanad waliba aan la kulannaa ilaa 2500 oo waxbarata iskuulada iyo jaamacadaha gobolka Minnesota,  kuwaasi aan ka codsano in ay bulshada u adeegaan,” ayuu leeyahay Axmed Xirsi ‘Southside’ oo ka mid ah dhalinta Ka Joog. Isagoo intaasi ku daray, “Waxaan qorshaynaynaa in aan barnaamijyada aan halkaan ka wadno sida waxbarashada iyo soo noolaynta fanka aan geyno Soomaaliya si aan u gacan qabano walaaleheena kale ee ay dhibaatooyinku ku habsadeen, islamarkaana aan fursadahaan oo kale helin.”

FBI-da Mareykanka oo abaal-marin siisay

Kooxdaan dhalinyarada ah ayaa dadaalkaasi ku aadan mideynta iyo xoojinta dhalinyarada waxaa dhawaan qaar ka mid ah hay’adda dowliga Mareykanka sida FBI-du ay ku gudoonsiiyeen abaalmarinno.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
Sawirrada: Siyaad Saciid Salaax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota