4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Saraakiisha ciidamada Dowladda oo sheegay in ay la wareegeen Deegaanka Buulagaduud ee gobolka Jubada hoose

Sabti, Feberaayo 16, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowaldda Soomaaliya ee gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in howlgallo ay saaka ka sameeyeen qaar ka tirsan deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ay u suurogashay in ay si nabadgelyo ah kula wareegaan deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobollada Jubooyinka Gen. Ismaaciil Saxardiid  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo AMISOM oo iskaashanaya ay si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaanka Buulogaduud, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab.

Masuulkani ayaa sheegay in ay usii dhaqaaqeen deegaanada kale ee gobolka Jubada hoose, wuxuuna xusay in howlgallada ay socon doonaan inta ay gacanta uga dhigayaan guud ahaan gobollada Jubooyinka.

Masuuliyiinta Al-shabaab ee Jubooyinka ilaa imika kama hadlin xiisadaha ka taagan gobolka Jubada hoose, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya la wareegidda deegaankaasi.

Ciidamada huwanta ah ayaa 22-kii bishii Dec, ee sanadii tagtay la wareegay deegaanka Buulogaduud haseyeeshee dib ayay uga baxeen kadib dagaallo xooggan oo ay halkaasi kula galeen xoogagga Al-shabaab, waxanaa deegaankaasi  iyo deegaano kale oo ku dhow mudooyinkii ugu danbeeyay gacanta ku hayay dagaalyahannada Al-shabaab.

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya