4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaanada waqooyi ee gobolka Jubada Hoose

Sabti, Feberaayo 16, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskaambooni iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ka wada deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay iyagoo saaka ka dhaqaaqaya fariisimo ay ku lahaayeen duleedka degmada Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidamadani ay ku wajahanyihiin deegaanada uu maro webiga Jubba ee waqooyiga gobolka jubada hoose ee loo yaqaan deegaanada gosha oo ay ku xoogganyihiin Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda ee Jubooyinka Gen. Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ka dhaqaaqeen saldhigyadii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo, wuxuuna xusay in ay ku wajahanyihiin deegaano ka tirsan gobollada jubada hoose iyo jubada Dhexe oo ay ku suganyihiin Al-shabaab.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno deegaanada gosha ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa sheegay in laga dareemayo xiisado dagaal, islamarkaasina dagaalyahannada al-shabaab ay wadaan diyaargarow ay doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka kusoo fool leh.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Kismaayo waxa ay saldhigyo ka sameysteen duleedyada magaalada, iyadoona dagaalyahannada al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose iyo weliba qaar ka tirsan deegaanada dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Xiisadahani dagaal ee ka soo cusboonaaday gobolka jubada hoose ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in 23-ka bishan uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweynaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka, kaasoo wufuuddi ka qeybgali lahayd ay imika intooda badan ku suganyihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya