4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
Isbortiga gobollka Hiiraan oo bilihii ugu danbeeyay horumar ballaaran sameeyay iyo tartamo ka socda magaalada Baladweyne



Sabti, Feberaayo, 16, 2013 (HOL) – In badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, gaar ahaan dhalinyarada iyo bahweynta cayaaraha ayaa u muuqda kuwo isku raacsan in horumar ballaaran uu sameynayo Isboortiga gobollka Hiiraan, kadib markii dib boorka looga jafay tartamadii kubada cagta ee kooxaha ka dhisan gobollka oo aan mudo dheer yeelan kulamo noocan oo kale ah.

Garoonka kubadda cagta lama-galaay ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnayba ahaa madal ay ku kulmaan boqollaal dadweeyne ah oo isugu jira taageerayaal xamaasadeeysan iyo dadweeyne u hamuun qaba daawashada cayaarta kubadda cagta oo mudo dheer aan isku arag garoomada cayaaraha ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Isboortiga gobollka Hiiraan oo HOL la hadllay ayaa sheegay in ay juhdi iyo dadaal faro badan ku bixiyeen sidii mar uun dib loogu soo nooleyn lahaa cayaaarihii gobolka uu caanka ku ahaa gaar ahaan kubadda cagta, si sare loogu qaado buu yiri mooraalka (niyadda) kooxaha ama naadiyada ka dhisan gobolka oo ay ku jiraan cayaartooy mustaqbal fiican leh.

‘’Tartamo kala duwan ayaa socda, kooxihii ama naadiyadii mooral ayeey leeyihiin, waa ay is abaabulayaan, xitaa waxaad arkeysaa in xaafadaha tartamo kooxaha dhaxdooda ah ka socdaan, bulshada waxa ay u ekaatay bulsho Isboorti,’’ sidaa waxaa yiri tababaraha ama macallinka kubadda cagta gobolka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buraale Raaxeeye.

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad [Yani-yani] ayaa sheegay in horumarka iyo xowliga uu ku socdo Isboortiga gobollka ay qeyb weyn ku leeyihiin naadiyada ama kooxaha ka dhisan magaalada Baladweyne oo ah ayuu yiri kuwo xiriir wanaagsan la leh gudiyada kala duwan ee cayaaraha.

 

‘’Magaalada Baladweyne oo kaliya hada waxaa ka dhisan oo ka jira 16 kooxood oo isugu jira heerka koowaad iyo labaad, waa kooxo xiriir wanaagsan la leh gudiyada Isboortiga gobolka, waan ku amaaneynaa arintaa iyada ah,’’ ayuu yiri guddoomiyaha Olanbikada gobollka Hiiraan.

Dad badan oo khabiirro dhinaca cayaaraha ah kuna sugan magaalada Baladweyne ayaa qaba in marka dib loo eego 22-kii sano ee la soo dhaafay uu xiligan heerkiisii ugu wanaagsanaa uu marayo Isboortiga gobolka Hiiraan.

‘’Waxaan is leeyahay wixii ka danbeeyay 1991-kii, xili uu hadda ka wanaagsan yahay Isboortiga gobolka masoo marin, taana waxaan amaanteeda u celinayaa oo aan is leeyahay sabab ayeey u yihiin ragga dhalinyarada ah ee hada maamula oo u muuqda kuwo isku dhaarsaday in ay soo nooleeyaan sumcaddii uu gobollka ku lahaa guud ahaan marka la eego Isboortiga Soomaaliya,’’ sidaa waxaa yiri Nuur Cali oo ah khabiir dhinaca cayaaraha ah.

Goobaha dadka ay ku kulmaan ee lagu shaaho magaalada Baladweyne marka aad khadar kooban fadhiso waxaa kuu soo baxaya saameynta ay dadka ku yeesheen tartamada kubada cagta ee sida joogtada ah uga socda magaalada Baladweyne, iyadoo hadal heynta ugu badan tahay natiijooyinka ka dhashay is-aragyada kooxaha, gaar ahaan dhalinyarada oo siweyn u kala taageersan niaadiyada tartamaya.

Arintan ayaa dhinaca kale loo arkaa in ay kaal- weyn ka qaadatay nabad-galyada iyo is-dhax-galka bulshada, waayo dhalinyarrada oo loo tiriyo in yihiin kuwa ugu badan ee loo adeegsado colaadaha ayaa u muqda kuwa u jiheystay dhinaca cayaaraha, iyaga oo u qeybsan kuwo cayaara iyo kuwo dibada ka taageera.

‘’’Hada tartan ayaa socda oo ay ka qeyb-qaadanayaan sideeda kooxeed ee heerka koowaad ah, marka uu dhamaado waxaa uu qorshuhu yahay in aan qabanno mid kale, waxaan rabnaa in aan ka soo dhax saarno kooxahan tartamaya cayaartooy tayo leh oo heer gobol ah,’’ayuu yiri tababaraha gobollka Raaxeeeye.

Ma aha oo kaliya bulshada rayidka ah qeybaha sida weyn isha ugu haya cayaaraha gobollka, hase ahaatee waxaa xusid mudan in saraakiisha ciidamada Jabuuti oo dayactir ku sameeyay dhawaan garoonka kubadda cagta Lama-galaay ee tartamada lagu qabto u arkaan horumarka uu sameynayo Isboortiga gobollka Hiiraan mid looga faa’ideeysan karo nabad-galyada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay horumar muuqda oo la taaban karo uu sameynayay Isbortiga gobollka Hiiraan, taasoo ay siweyn u soo dhaweyeen qeybaha bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.