4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2013
MADAXWEYNE C/RAXMAAN FAROOLE: "Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacmey) waxaa dilay Ururka Al-shabaab"


   Halkan waa Masjidkii lagu dilay Sheekh C/qaadir Gacmey oo dhiiggiisii uu dhex-yaallo


Sabti, Feberaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geerida AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo gelinkii danbe ee shalay lagu toogtey magaala-madaxda Puntland ee Garoowe xillu uu masjika Beder ee xaafadda Hodon ku tukanayey salaadda Casarka.

Madaxweynaha oo caawa xarunta madaxtooyada ee Garoowe warbaahinta kula hadlay ayaa si gaar ah tasci ugu diray eheladii iyo asxaabtii uu Sheekhu ifka kaga tegey iyo weliba dadka Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan dadka reer Puntland.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo culumaa’uddiinka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland, Ilaaheyna waxan uga baryayaa sheekha inuu jannadii ka waraabiyo, sheekh cabdiqaadir waa u danbeeyey ee uma horeyn dadka qiimaha leh ee Soomaaliya lagu xasuuqay” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Dr. Faroole ayaa dhinaca kale tilmaamay in dilka Sheekha loo hayo nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac (Bile), kaasoo ay dadweyne goobta ka agdhowaa ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan.

 “Sheekha waxaa dilay nin dhalinyaro ah lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac (Bile) oo masaajidka ugu soo galay, waana lahayaa oo gacantaa lagu hayaa, waxaana loo hayaa dad aan tira lahayn oo marag ah”

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale mas’uuliyadda dilka Sheekha dusha uga tuuray xarakada Al-shabaab, wuxuuna isaga oo arintaas ka hadlaya yiri:

“Sheekh cabdiqaadir nuur faarax waxaa dilay Al-shabaab waxaa dilay inay Godane iyo Al-qaacidada ka shisheysa, iyagaana loosoo taagayaa, Ilaahna waxan ka baryeynaa in uu ka jaaseeyo”

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu shacabka Puntland ugu baaqay in ay xoojinta amniga ka qayb qaataan, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo nabadda iyo degenaanshaha wax u dhimi kara.

“Shacabka Waxan ugu baaqayaa inay kacaan, oo ay gacmaha isqabsadaan, oo ay midnimadooda adkeeyaan,  cadowga dowladda keli ahi lama dagaalami kartee, weliba gaar ahaan waxan la hadlayaa dhalinyarada iyo dumarka”

Eebe ha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ahaa nin da’ ah, wuxuu qayb ka ahaa culimada ugu waaweyn ee dalka, waxaana beri salaadda Duhurka kadib lagu aasi doonaa isla magaalada Garoowe.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya