4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Beeraleyda Gobolka Bay oo ku Mashquulsan Goosashada dalagga sannadkan uga soo go’ay Beerahooda (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Beeraleyda gobalka Bay ayaa waxay ku mashquulsan yihiin goynta beerahooda , iyadoo haddii loo fiiriyo sannadka uu noqonayo sannadkii ugu fiicnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaad arkeysaa in qiimahii masagada iyo digirta ay aad hoos ugu dhaceen, taasoo loo sababeynayo mirahan oo ah kuwa ugu badan ee sannadkan kasoo go’aya beeraha.

Meelaha qaarkood waxaad ku aad arkeysaa ganacsato ka timid Muqdisho oo gawaari ku daad-gureysanaya sisinta oo laga soo buuxiyay suuqa Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ka taliso dowladda Soomaaliya.

Sisinta la keenay suuqa Baydhabo ayaa waxay intooda badan laga keenayaa degmada Qansax-dheere iyo Ufurow oo ah meesha sannadka ugu badan ee kasoo go’ay dalaga Sisinta.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay ka cabanayaan beeralayda waa iyagoo la kulmaya isbaarooyin tiro badan iyo canshuuro aan la garaneynin cidda loo qaadayo oo laga qaado.

Gobolka Bay oo ka mid ahaa gobolladii ay ku dhufatay abaartii sannadkii 2011 ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya, kana mid ahayd gobolladii ay ka dilaacday macluusha ayaa waxay sannadkan uu u muuqdaa mid ka duwan sannadihii hore.

Dalag-gurashadan ayaa waxay kusoo beegmaysa iyadoo hay’adda WFP ay sheegtay in 1.6 milyan qof oo intooda badan ku nool Koonfurta Soomaaliya ay sannadkan u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah.

Hiiraan Online, Baydhabo