4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo oo booqday Saldhig lagu tababaro ciidamada Itoobiya (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta booqday saldhig lagu tababaro ciidamada Itoobiya oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Prof. Jawaari ayaa booqashadan waxaa ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad iyo mudanayaal kale oo safarkiisa ku wehlinayay.

Markii guddoomiyaha iyo wafdigiisa ay tageen saldhigga waxau la kulmeen saraakiisha iyo macallimiinta xeradaas ku sugnaa, iyagoo u sharraxay sida ay u tababaraan ciidamada dalkooda, sidoo kalena waxaa goobta lagu soo bandhigay sawirro muujinaya sida ay ciidamada Itoobiya u tababartaan.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya iyo xildhibaanno baarlamaanka Itoobiya ka tirsan, iyagoo kawada hadlay sida ay wadashaqeyn u dhexmari lahayd labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa waxay kumannaan askari kaga sugan yihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab oo sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya.

Prpf. Jawaari ayaa lagu wadaa inuu isla maanta la kulmo ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desileng, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan oo quseeya labada dal, sida adkeynta ammaanka labada dal.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya