Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay Khamiistii shalay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaan idiin soo gudbinaynaa sawirrada ciidamadaas oo ku sugan deegaannadii ay kala wareegeen Al-shabaab.
Deegaannada ay ciidamada isgarabsanaya ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxay kala yihiin: Jannaale, Bariirre iyo Owdhiigle, iyadoo saraakiisha labada dhinac ay sheegeen inay halkaas ku sugnaan doonaan illaa amar dambe.
Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii hore luminaysay deegaanno ay ka talinaysay oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Marko, Afgooye, Wanlaweyn iyo deegaanno kale oo kuwaas hoostaga.Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]Muqdisho, Soomaaliya