4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la kordhiyo Muddada Howgalka Ciidamada AMSIOM ee ku sugan Soomaaliya

Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la kordhiyo xilliga howgalka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib hadal ay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka jeedisay kulan uu goluhu yeeshay shalay oo Khamiis ahayd.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale ka codsatay golaha ammaanka in cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si loo dhiso ciidamada dowladda Soomaaliya si ammaanka dalkeenna aan ugu fillaanno.

“Kulankan waxaa looga hadlay dib u cusboonaysiinta howlgalka Midowga Afrika iyo sidii cunno-qabteynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya. Rajo weyn ayaanna ka qabnaa in warbixinteenna la qaato,” ayay tiri wasiirradda oo la hadlaysay VOA-da.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in goluhu uu yeeshay kulan gaar ah oo albaabbadu u xiran yihiin, warar hoose oo kasoo gaarayna ay sheegayaan in warbixintii iyo talooyinkii ay u jeediyeen golaha ammaanka sidoodii loo qaatay.

“Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo in la kordhiyo howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, sidoo kalena la qaado cunno-qabateynta hubka si tababar loo siiyo ciidmada dowladda si ay ugu fillaadaan ammaanka dalkeenna,” ayay tiri Fowziyo. Iyadoo sheegtay in go’aanka arrintan la gaarayo bisha Maarso ee soo socota.

Dhanka kale, wasiirradu waxay sheegtay inay diideen go’aan horay loosoo bandhigay oo ahaa in ciidamada AMISOM ay u shaqeeyaan sida ciidamada badda oo kale, waana ka hadalnay, waxaana rajeynaynaa in go’aankaas laga laabto.

“Arritaan waxaa lasoo jeediyay intii dowladihhii KMG ahayd ay Soomaaliya ka jireen, waxaana u gudbinay golaha ammaanka diidmo arrintaas ku saabsan oo ay saxiixeen dalalka Bariga Afrika oo dhan,” ayay wasiiraddu tiri.

Ugu dambeyn, wasiirradda waxaa la weydiiyay waxay ka og yihiin warbixinta uu guddiga la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya ku sheegay in Al-shabaab ay hub ka hesho Iiraan, iyo diimada Iiraan ee arrintan ayaa waxay sheegtay inaysan waxba kala socon, balse ay qaadanayaan hadal dowladda Iiraan ee ay ku diidday arrintaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya