4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Machadka Cilmi-baarista ee Heritage oo Xukuumadda Kenya ugu baaqay inay ka laabato go'aanka ay dib ugu celinayso Qoxootiga


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka cilmi-baarista iyo falan-qeynta ee Heritage oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ayaa warbixintii ugu horreysay oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay qoxootiga Soomaalida ah ee dib looga soo celinayo dalka Kenya.

Agaasimaha machadka Heritage, C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in cilmi-baaris iyo falanqeyn ay sameeyeen kaddib ay arrintaan u arkeen inaan la joogin xilligeedii, uuna u keeni karo dalalka Kenya iyo Soomaalia saameyn dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyasadda ah.

“Arrintan waxaan u aragnay inay tahay mid lagu bartilmaameedsanayo shacabka Soomaaliyeed iyadoo Kenya ay ku jirto xilli doorasho, shacabka Soomalaiyeedna loo ekeysiiyo inay yihiin xudunta dhibaatada ka taagan dalkaas, iyadoo xaaladda ammaan-darro ay si iskeed ah uga jirto dalka Kenya,” ayuu yiri Caynte.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qoxootiga loogu baaqayo inay dib ugu laabtaan dalkooda aysan jirin meel la dejiyo, dowladda Soomaaliyana aysan u diyaarsanayn goob ay dejiso qoxootigaas.

“Dib u soo celinta qoxootiga waxay keeni kartaa in ammaanka muuqanaya in ay wax u dhibto,” ayuu yiri Caynte oo sheegay in aanay suurogal noqon karin in qoxootiga lasoo celiyo iyadoo aan xal loo helin muran ku saabsan is-qabqabsi dhinaca guryaha iyo boosaska ah oo ka taagan Muqdisho.

Madaxa haya’ddan wuxuu sheegay in dowladda  Kenya ay ugu baaqen inay ka laabato baaqyada ah in dib loo celiyo qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda, ayna kala shaqeeyaan guddi wadajir ah sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga.

Dhanka kale, Caynte wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula taliyeen inay ka shaqeyso sidii ay u diyaarin lahayd goobihii dadkaas la dejin lahaa, siyaasad cadna ka qaadato sidii dadkaas loogu celin lahaa gobolladii ay ka yimaadaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay  Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen inay ka caawiso farsamadii ay ku laaban lahaayeen dadka iskood u laabanaya, gaar ahaan dhinacyada talooyinka.

Shacabka Soomaaliyeed ee qoxootiga ah ayuu Caynte sheegay iay iyagana ugu baaqay inay uga mahadceliyaan dalka Kenya muddadii 20-sano ahayd ee ay dalkooda ku noolaayeen, ayna isku diyaariyaan sidii sannadaha soo socda ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya