3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil toogasho ah ku fulisay mid ka mid ah La-haystayaal Kenyan ah oo gacanta ugu jira


Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xalay saqdii dhexe ay xukun dil ah ku fulisay mid ka mid ah dad Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ka tisranaa ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayay Al-shabaab ku sheegtay inay dilka ku fulisay, Jonathan Kipkosgei Kangogo oo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ay gacanta ku dhigeen sannadkii hore.

“Inkastoo ay mujaahidiintu wadahadal iyo waqti ku filan siiyeen dowlada Kenya, haddana waxay go’aansatay inay dhegaha ka furaysato dhawaaqa kasoo yeeraya muwaadiniinteeda maxaabiista ah, arrintaas oo caddeyn u ah inaysan wax qiimo ah la lahayn nolosha muwaadiniintooda marka la barbar-dhigo nolosha dalxiisayaasha ay Kenya sheegtay inay Soomaaliya ugu soo duushay si ay u soo furato,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warka ay soo saartay.

Al-shabaab ayaa sheegay ay siinayso fursad kale oo 72 saacadood ah si ay u badbaadiyaan shan muwaadin oo weli nool, kuwaasoo Al-shabaab ay sheegtay inay qoysaskoodu si joogto ula soo xiriiraan.

“Waa nolol ama waa geeri. Haddii ay 72-kaas saacadood ku suurogeli waydo inay badbaadiso nolosha maxaabiisteeda. Dowladda Kenya waxay si buuxda dusha ugu ridanaysaa mas’uuliyada dilka maxaabiisteeda,” ayay sidoo kale ku tiri Al-shabaab warsaxaafadeedka ay soo saartay.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab ay dowladda Kenya u qabatay saddex toddobaad inay ku aqbasho shuruudooda oo ahaa inay dhammaan dadka muslimiinta ah ee xabsiyadeeda ku jira soo dayso si ay sii dayso maxaabiisteeda ee ay gacanta ku hayso.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa dhawaan sheegay inaysan Al-shabaab kala hadlayn dadka ay gacanta ku hayso, isagoo xusay inaysan jirin ciidammo ka maqan oo ay og-yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/15/2013 3:21 PM EST
Jimco, February 15, 2013(HOL): -Waxaa magaalada muqadishu laga furay studio casri ah oo ah ku qalabaysay qalab casri ah, kaas oo u saamixi doona fannaaniinta Soomaliyeed in ay ku soo bandhigaan hal-abuurkooda. Stuudiyahan waxaa sidoo kale uu noqon doonaa goob lagu soo bandhigayo barnaamij cusub oo loogu magacdaray Horumari Hamigaaga faneed.

2/15/2013 12:13 PM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Beeraleyda gobalka Bay ayaa waxay ku mashquulsan yihiin goynta beerahooda , iyadoo haddii loo fiiriyo sannadka uu noqonayo sannadkii ugu fiicnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

2/15/2013 11:52 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta booqday saldhig lagu tababaro ciidamada Itoobiya oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

2/15/2013 11:20 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay Khamiistii shalay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaan idiin soo gudbinaynaa sawirrada ciidamadaas oo ku sugan deegaannadii ay kala wareegeen Al-shabaab.

2/15/2013 10:49 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Waxaa gellinkii dambe ee Maanta lagu toogtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka tirsanaa culimada ugu waaweyn Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

2/15/2013 6:29 AM EST
Jimco, February 15, 2013 (HOL) - Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshe ay Kenya gaysay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaasoo ay ku doonaysay in lacag lagu siiyo ka hawlgalida ciidamadeeda badda gudaha biyaha Soomaaliya.

2/15/2013 2:01 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la kordhiyo xilliga howgalka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib hadal ay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka jeedisay kulan uu goluhu yeeshay shalay oo Khamiis ahayd.

2/15/2013 1:39 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay deegaanka Ceel-dibir oo ka tirsan degmada Ceelaayo ee gobolka Bari oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

2/15/2013 1:11 AM EST
Jimco, Feberaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka cilmi-baarista iyo falan-qeynta ee Heritage oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ayaa warbixintii ugu horreysay oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay qoxootiga Soomaalida ah ee dib looga soo celinayo dalka Kenya.