9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2013
Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia oo ka qeyb-galay aaskii loo sameeyay Guddoomiyiihii Ahlusunna Waljameeca (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb-galay aas balaaran oo degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud loogu sameeyay guddoomiyihii gollaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow oo maalintii shalay Muqdisho ku geeriyooday.

Xubno ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo uu horkacayay wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed iyo mas’uuliyiin kale oo isaga kala timid deegaannada gobollada dhexe ayaa ka qeyb-galay aaska Sheekh Xeefow.

C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka arrimaha gudaha oo hadllay aaska kadib, waxaa uu sheegay in marxuum-ka dhintay uu ahaa muwaadin ama shaqsi door weyn ka qaatay hormarinta nabada.

Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow oo maalintii shalay ku geeriyooday isbitaalka Xalane ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho ayaa la sheegay in uu qabay cudurka Sonkorta oo si lama filaan ah ugu soo booday.

Waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha gollaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Augusto 2011, kadib markii guddi ka kooban 32 xubnood ay ku doorteen kulan ka dhacay degmada Caabud-waaq ee gobollka Galguduud.







Xuquuqda Sawirrada: Radio Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
2/14/2013 12:35 PM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, guddoonka baarlamaanka dalkaas.

2/14/2013 11:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Ardayda wax ka barta Jaamacadda Nugaal faraceeda magaalada Laascaanood ayaa safar wajiyo badan kusoo maray deegaanno ka tirsan gobolka Sool, Sanaag iyo deegaanka Cayn.

2/14/2013 7:00 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay la kulmeen iska-caabino aan xoog badnayn.

2/14/2013 6:59 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar shaqo kaga maqnaa dalka dibiiisa, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay kulamaddii uu la yeeshay dawladda Ingiriiska.

2/14/2013 2:45 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) —Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ku dilay nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano magaalada Kismaayo.

2/14/2013 1:08 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa ku dilay shalay gallinkii dambe duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Xuseen Cali Jimcaale.

2/14/2013 12:30 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xanuun kusoo booday awgiis ugu geeriyooday xalay isbiaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

2/14/2013 12:27 AM EST
Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa ka hadashay geeridii ku timid guddoomiyihii golaha fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow, iyagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadka dhibaatada ku hayay shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed.