4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo si nabad ah kula wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose


Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay la kulmeen iska-caabino aan xoog badnayn.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda la hadlay howgalka kaddib ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen deegaannada Jannaale, Owdheegle, Bariirre iyo Kabtan-laas oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

“Saakay aroortii ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo garabsanaya waxay si nabadgalyo ah kula wareegeen deegaanno gobolka Shabeellada hoose ka tirsan, sida Bariirre, Owdheegle, Jannaale iyo Kabtan- laas, waxayna ku sugan yihiin fariisimo loogu talo-galay,” ayuu yiri Jen. Dhego-badan.

Mar uu ka hadlay inay halkaas kasii socon doonaan iyo inay sii joogayaan ayuu sheegay inay halkaas ku sugi doonaan howgalkooda dambe, balse warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay ku wajahan yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Wax khasaare ah oo dhankeenna soo gaaray ma jiraan, mana garanayno khasaare Al-shabaab gaaray, balse waxaan xaqiijin karaa inay u carareen dhinaca degmada Kurtun-waarreey ee gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu abaanduuluhu hadalkiisa ku daray.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin deegaannada cusub ee ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse goobjoogayaal ku sugan deegaannadaas ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaannadooda ku sugan yihiin.

Tan iyo dhammaadkii sannadkii 2011 ciidamada dowaldda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo ciidamada Itoobiya ayaa waxay dhul ballaaran ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab, taasoo sababtay in caalamku uu si rasmi ah u aqoonsado dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya