4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Madaxweynaha Somalia oo kulan Albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Annaadiif oo ay wehliyeen xubno ka socday ururka Midowga Afrika.

Ergayga ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo isagu ay kawada hadleen horumarka ka jira Soomaaliya iyo taageerada Midowga Afrika ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan jelcaan lahaa inaan ka mahadceliyo kulanka aan madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay’ waxaan halkan u nimid inaan la socsiinno in xafiiskii Midowga Afrika loosoo raray Soomaaliya, isla markaana aan diyaar u nahay inaan caawinno Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Anaadiif oo afka Faransiiska ku hadlayay.

Danjiruhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay qayb weyn ka qaateen dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya, wixii hadda ka dambeeyana uu ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo tan iyo bishii Novembe ee sannadkii hore oo xilkan loo magacaabay uu ku shaqeeyo Muqdisho.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid lagu xoojinayay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, isagoo sheegay in tani ay albaabbada u furayso in dublamaasiyiin kale ay dalka yimaadaan.

“Waxaan muujinayaa baahida ay Soomaaliya u qabto in lasoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhexeeyay bulshada caalamka. Sidaa daraadeed waan soo dhaweynaynaa cid walba oo Soomaaliya imaanaysa, maadaama xilligan uu ka jiro ammaan la isku halleyn karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Danjire Anaadiif oo tan iyo markii xilkan loo magacaabay ku shaqeynayay magaalada Nairobi ayaa maalmo ka hor sheegay inuu xafiiskiisa si rasmi ah ugu soo raray magaalada Muqdisho, uuna ku shaqeyn doono halkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya