4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca oo ku geeriyooday Isbitaal ay Maamusho AMISOM oo ku yaalla Magaalada Muqdisho

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Ururka Ahusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa ku geeriyooday isbitaal ay maamusho AMISOM oo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii xanuun xalay kusoo booday awgiis loo keenay Muqdisho.


Guddoomiyihii Ahlusunna, Sheekh Xeefoow

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii isbitaalka ku booqday ayaa sheegay in xaalad aad u adag uu ku jiray markii uu isbitaalka kusoo booqanayay.

“Markaan arkay xaaladda uu ku jiro Sheekhu waxaan la hadlay madaxweynaha waxaana amar lagu bixiyay in loo qaado meel walba oo xanuunkiisa wax looga qaban karo, balse tii Alle ayaa u timid,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Sheekh Xeefoow uu muddo dheer ka shaqeynayay sidii ay Soomaaliya ammaan ku noqon lahayd, isagoo xusay in taas lagu xasuusan doono weligiis.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) oo isaguna ka hadlay geerida marxuumka ayaa sheegay inay tahay mid ay aad uga naxeen, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo cid walba oo garanaysay Sheekha Xeefoow.

“Nabadgalyada dalka wax weyn ayuu kusoo kordhiyay wax badan ayuuna ka qabatay, waxaana leeyahay Ahlusunna iyo Soomaalida oo dhan Alle samir iyo iimaan ha idinka siiyo” ayuu yiri Ilko-jiir.

Lama sheegin halka lagu aasi doono guddoomiyaha golaha fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca oo xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya, iyadoo uu noqonayo mas’uulkii ugu sarreeyay Ahlusunna oo ku geeriyooda Muqdisho.

Sheekh Xeefoow ayaa dhowr jeer u yimid Muqdisho sidii iskaashi dhinacyo badan leh uu u dhexmari lahaa dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna oo ka mideydan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya