4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Dagaal culus oo ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo ku dhexmaray Gobolka Sool

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo ku dhexmaray deegaanka Laf-weyn oo ka tirsan deegaanka Xuddun kana xigta dhinaca galbeed qiyaastii 20-km.

Dagaalkan ayaa sida ay sheegayaan dad ku dhow deegaankaas soconayay muddo saacad ku dhow, iyadoo aan laga warhayn khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada ciidan, inkastoo dhinac walba uu sheegayo guulo uu ka gaaray dagaalka.

Wasiirka Amniga maamulka Khaatumo, Maxamed Ducaale Cabdi oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal la galeen ciidamada Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaato ku hayeen dadka deegaankaas ayna ka qaadayeen hubka yaryar ee ay sitaan.

Ducaale wuxuu intaas ku daray inay ciidamadoodu khasaare kala duwan u geysteen ciidamadii ay la dagaalamayeen ee Somaliland, dhankoodana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray. Balse ma jiraan ilo dhexdhexaad ah oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay.

Maamulka Somaliland illaa hadda kama hadlin dagaalka ka dhacay Xuddun, waxaase muran ka taagan yahay duulaanka iyo cida soo qaaday, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay HOL u sheegeen in ciidamada weerarka qaaday ay ahaayeen guutada wareegta ee maamulka Khaatumo kuwaasoo dagaallo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah u geysta ciidamada Somaliland.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale uu ku dhexmaro deegaanka Xuddun ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatrumo State, iyadoo ciidamada Khaatrumo inta badan diiddan joogitaanka ciidamada Somaliland ee deegaannada gobolka Sool ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool