4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, February 13, 2013(HOL) - Waxaa shalay gelinkii danbe gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay gudoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee degmada Kismaayo G/sare Max’ed Cismaan Cali (Keyb-haye), kadib markii ay haleeshay rasaas ay isweeydaarsanayeen laba askari oo katirsan ciidamada dowladda.

Goobjooge ku sugnaa xaafadda V-afmadow oo ah halka uu shilku ka dhacay ayaa HOL u xaqiijiyay in masuulkani uu ku dhintay rasaas ay isweeydaarsanayeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda xilli uu doonayay in uu kala celiyo.

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii dilka geeystay, waxaana lagu soo waramayaa in uu imika ku xiranyahay saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay dilka shalay gelinkii danbe gudaha magaalada Kismaayo loogu geeystay gudoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee degmada Kismaayo G/sare Max’ed Cismaan Cali (Keyb-haye).

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo 2-dii bishii October ee sanadii tagtay kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo magaaladaasi maamulayay ku dhawaad shan sano, mana jiro ilaa imika maamul rasmi ah oo ka shaqeeya degmadaasi marka laga reebo maamulka imika shaqeeya oo ay si KMG ah ugu dhawaaqeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Raaskaambooni, waxaana gudaha magaalada Kismaayo ka soconayo dadaallo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya