4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo Muqdisho ku yeeshay kulan ay ku ansixiyeen Qorshe-howleedka Baarlamaanka

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —  Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta oo Talaado ah ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen qorshe howleedka baarlamaanka uu ku shaqeynayo sanadkan 2013 iyo arrimmo kale.

Kulankan oo ahaa kulankii labaad oo ay yeeshaan guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka tan iyo intii ay xildhibaannada baarlamaanku la fasaxay ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari; waxaana ugu horreyn ay guddiyada joogtada ah ka doodeen jadwalka xil-gudashada baarlamaanka sannadkan 2013, sida howlaha uu baarlamaanku qaban lahaa maalin walba ama bil walba, iyadoo dood kadibna ay guddiyada joogtadu ansixiyeen qorshe howleedka uu ku shaqeynayo baarlamaanka sannadkan cusub ee 2013.

Ajandaha labaad ee ay ka hadleen guddiyada joogtada eebBaarlamaanka ayaa ahaa magacaabidda xogayaha guud ee golaha shacabka waxayna guddiyadu ansixiyeen in Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux uu noqdo xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka waxay ka hadleen fulinta istiraatiijiyadda afarta sano ee baarlamaanka laga doonayo iyo fulinta xeer hoosaadka baarlamaanka kaasoo ay horey xildhibaannada u ansixiyeen waxaana guddiyada joogtada ah dhinacyo kala duwan ka eegeen in sida loo ansixiyay xeerarkan loo hirgelin doono haduu Alle idmo.

Ugu dambeyn, guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa waxay ka hadleen socdaalka ay gobollada kala duwan ee dalka ku marayaan xubno ka tirsan baarlamaanka si ay usoo ogaadaan baahida dhabta ah ee ka jirta deegaannada iyo degmooyinka ay kasoo jeedaan; taasoo qeyb ka ah habka uu guddoonka baarlamaanka horay ugu dejiyay xildhibaannada inay xilliga ay fasaxa ku jiraan ay ku tagaan deegaannada ay kasoo jeedaan si warbixin dhameystiran ay uga jeediyaan baarlamaanka marka ay kalfadhiyaduu dib u furnaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulanka ayaa aad u amaanay xildhibaannada gobollada dalka ku maqan horumarka ay sameeyeen; isagoo ku guubaabiyay mudaneyaasha baarlamaanka inay sii wadaan kulammada xog-wareysiga ah ee ay la yeelanayaan dadka ku nool deegaannada ay kasoo jeedaan, iyagoo ugu dambeyn uu guddoomiyaha baarlamaanka Alle uga baryay xildhibaannada gobollada ku maqan in socdaalkooda ay si nabad ah kusoo dhameystaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya