4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Boqor lagu xiray Hargeysa iyo Maxkamad xukun ku riday Haweenay fariimo cay ah u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamadda Amaanka ee magaaladda Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland, kaas oo ka soo laabtay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

Ciidamadda amnigu kama hadal sababta loo xidhay, haseyeeshee waxa loo malaynayaa in loo xidhay safar uu magaladda muqdisho ku tagay oo uu muddo shan bilood ah ku joogay.

Boqorka maaha markii ugu horeysay ee la xidho, balse waxa hore u xidhay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale iyo xukuumaddan Axmed Sillaanyaba, haseyeeshee waa markii labaad ee intii ay xukuumadan jirtay xabsiga loo taxaabay.

Dhinca kale, Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa maanta ka go’aan ka soo saartay dacwada loo haystay Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysnayd inay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan u dirtay fariin aflagaado oo anshaxa ka baxsan ah, taas oo ku xukuntay sideed bilood oo xadhig ah.

Nadra Maxamed Jaamac oo toddobaadyadii u dambeeyey xabsiga ku jirtay waxa la dhagaystay dacwadeeddaa, waxaanay maxkamadda gobolku ka soo saartay go’aan sideed bilood oo xadhig ah ka dib markii ay maxkamadda horteedda ka qiratay inay dambigaasi gashay.

Sidoo kale, waxa raaligelin ka bixiyey falkan ay ku kacday haweenaydani qoyskii ay ka soo jeeday oo sheegay inay ka xun yihiin arrintaasi ay ku kacday, maadaama oo madaxweynaha, marwadiisa iyo wasiirka madaxtooyadddaba u qortay fariimo cay ah oo anshaxa ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, waa haweenayaddii ugu horeysay ee lagu oogo dambi ah aflagaado ay u geysatay madaxdda qaranka, waxaana la sheegayaa in 18 fariin qoraal ay u dirtay wasiirka madaxtooyadda iyo marwadda madaxweynaha oo ay ku caayeyso.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland