4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Ciidammo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula eegtay Baydhabo iyo Wafdi ka socda Ciidmmada Xoogga oo gaaray Degmadaas

Talaado, February 12, 2013 (HOL) - Waxaa qarax lala eegtay ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo iyo wafdi ka socday taliska xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ku sugnaa Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, waxaana halkaas uu dhaawac ka soo gaaray askari Itoobiyaan ah iyo 5 qofood oo shacab ah, uuna ka mid ahaa shaqaalaha  ilaaliya haya'dda UNICEF.

 

Taliyaha Ciidanka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya safiirka  Itoobiya u fadhiya  Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Magaalada Baydhabo  ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa maalmahan ku soo qulqulaya ciidammo gadoodsan oo ka immaanaya jiidda hore ee dagaalka taasoo sababtay inay yimaadaan taliyayaasha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kalena, waxaan wali si rasmi ah u howlgalin maamulkii cusbaa ee gobalka Bay  loo soo magacaabay, kaasi oo mucaaraddo xooggan kala kulmay  guddoomiyihii hore ee Gobalka Bay Cabdifataax Ibraahim Geesey.

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Baydhabo kula soco wararkeena.

 

Hiiraan Online

News, Desk