4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Al-shabaab iyo dad Xoolaley ah oo ku dagaallamay Jubbada hoose

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen deegaanka Cabdi-dhoore oo qiyaastii 20-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Dagaalkan oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid ka dib markii xoolaley hubeysan ay weerar ku soo qaadeen saldhig  ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Cabdi-Dhoore, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan.

Goobjoogelyaal ku sugan deegaano ku dhow-dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay soo qaadeen kooxo xoolaley ah oo ka careysnaa xoolo Zako ahaan ay uga qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi mana jiraan masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo faahfaahin ka bixisay weerarkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Iska-horimaadkan ka dhacay deegaanka Cabdi-dhoore oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka jubada hoose ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ay dhawaan sheegeen in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in ay xoogagga Al-shabaab uga saaraan degmooyinka ay uga suganyihiin gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya