4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Howlgallo lagu Qab-qabtay Boqolaal Ruux oo Xalay laga Sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Howgallo lagu qabqabtay 217 qof ayay ciidamada dowladda xalay ka sameeyeen afar degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Xamar-jajab  iyo Xamar-weyne.

Taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo lagu xusayo ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

“Waxaa lagu soo qabqabtay howlgalladan tiradoodu waxay ahayd 217-qof, waxaana 18-qof oo ka mid ah looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shababa, intii kalena waa lasii daayay,” ayuu yiri Col. Ereg.

Sidoo kale, Col. Ereg wuxuu raalli-geliyay dadkii dambiga lagu waayay ee laga soo kexeeyay shaqooyinkooda iyo guryahooda, isagoo ka codsaday inay kala shaqeeyaan sugidda ammaanka Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Xamarjajab oo la hadlay dhallinyaradii lagu waayay dambiga ayaa ka dalbaday inay si hoose ula shaqeeyaan maamulka degmada si looga hortago kuwa doonaya inay dhibaatooyinka ka geystaan gudaha degmada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay xilli habeen ah ka sameeyeen howgallo degmooyinka gobolka Banaadir, waxaase howgalkan uu kusoo beegmay iyadoo howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ay isla shalay ka sameeyeen Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya