4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo sheegay in la toogan doono askarigii lagu helo isagoo isbaaro u dhiganaya Shacabka

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Taliyaha gaaska labaad ee ciidamda dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Cageyayaa sheegay in la toogan doono askarigii la arko isagoo isbaaro dhiganaya jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ay jidkaas kusoo badanyeen isbaarooyinka loo dhigayo gaadiidka.

Jen. Cagey ayaa sheegay in waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay ka socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo in jidkaas ay shacabku ku maraan si nabadgalyo ah.

“Askarigii la arko isagoo isbaaro dhiganaya waddada isku xira Muqdisho iyo Afgooye waa la toogan doonaa,” ayuu yiri Jen. Cagey oo intaas ku daray inay sii socon doonaan howgallada looga hortagayo isbaarooyinka jidkaas lasoo dhigto.

Shacabka isaga goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo 30-km isku jira ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay kooxo ku labisn dharka ciidanka dowladda oo jidka soo gala isla markaana dhac u geysanaya shacabka, gaadiidleydana ka qaadnaya laacago.

Guddoomiyaha degmada Afgooye, Cabdullaahi Cabdi Axmed ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankan, isagoo sheegay in shacabku ay maalmahan ku jireen dhibaatooyin kaga imaanayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isbaarooyin soo dhigtay jidkaas.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa tan iyo sannadkii hore lasoo  wuxuu ahaa meel ay isbaarooyin dhiganayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, sidoo kalena ay ka dhacayeen iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya