9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
MUUSE BIIXI”: “Waxaan Soomaaliya leeyahay Ilaah ha idin barakeeyo ee aynu noqonno laba dal oo Jaar iyo Walaalo ah”

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Urur siyaasadeedkii DALSAN ee ka midka ahaaa ururaddii hadhay, ayaa maanta la midoobay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, isla markaana kala qortay heshiis wax wada qaybsi.

Munaasibad balaadhan oo ay iskugu yimaadeen taageerayaasha urur siyaasadeedkii tartanka doorashadddii ku hadhay ee DALSAN iyo xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee ururkaasi iyo madaxda kulmiye, wasiiro iyo boqolla dadweyne oo taageerayey DALSAN.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay mudadii ay xukuumadda kulmiye dalka la wareegtay waxyaalihii u qabsoomay, waxaanu tilmaamay in ilaa shankun oo dhalinyaro ah la shaqaalaysiiyey, isla markaana gaadiid badan iyo tobabaro badan la siiyey ciidanka amniga.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dacwadda ka dhexeysa isaga iyo haweenay oo maxkamadda kiiskooddu ku jirto, waxaanu sheegay inay gabadhaasi fariimo aflagaado ah usoo dirtay wasiirka madaxtooyadda iyo  marwadda madaxweynaha, cidii doonaysa wixii fariimahaasi ku qornaa ay ka heli karaan maxkamadda iyo hay’ada xuquuqul insaanka, waxaanu tilmaamay in jeelasha loo sameeyey in dadka lagu edbiyo, oo qofkii khaldama lagu toosiyo.

Waxa isaguna halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in gudoomiyaha ururka DALSAN ee ku soo biirayaa ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dawladdii Daahir Rayaale ee dagaalka adaga la galay xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay in doorashadii hore ee kulmiye sideetanka cod lagaga badiyey uu sabab u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo hadda ah gudoomiyaha ururka DALSAN ee ku soo biiraya.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay in wakhtigaasi uu awoodda dawladeed uu sifo khaldan u isticmaali jiray, isla markaana dagaal aad u xun uu la galay, haseyeeshee uu hadda soo dhoweynayo isla markaana qof kasta oo xisbiga kulmiye kus oo biiraya ay si fiican usoo dhoweyn doonaan.

Gudoomiyaha ururka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ka sheekeeyey dagaalkii uu kulmiye la galay wakhtigii uu UDUB ka tirsanaa ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa, isagoo tilmaamay madaxdii kulmiye iyo shakhsiyaadkii dagaalka adag wada galeen, isagoo sheegay in nin waliba waajibkiisa gudanayey, isla markaana uu ahaa masuul daacad u ahaa xisbiga UDUB oo doonayey in aan laga guulaysan.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna soo dhoweeyey ururka DALSAN iyo Taagerayaashiisa, isagoo sheegay in qofkasta uu xor u hayay halka uu doonayo iyo haddii uuu doonayo inuu xisbiga dhexdiisa musharax ka noqdo, isagoo tilmaamay in dhowaanla qaban doono shirweynihii xisbiga oo masuul waliba xor u yahay inuu isa soo sharaxo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu dhaliilay xisbiga WADANI oo dhaliil usoo jeediyey xukuumadda, isagoo sheegay in aanu Xisbiga WADANI uga fadhiyin in aanu wax aan jirin sheego balse ay ahayd in wixii jira lagu dhaliilo.

Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha kulmiye ka hadlay Cuno qabateynta hubka ee qaramadda midobay doonayso in laga qaado Soomaaliya, waxaanu sheegay in 1988 kii hubkii dalka lagu burburiyey ay bixiyeen Maraykanka iyo Liiibiya, taas oo uu tilmaamay in aanay ahayn in hub cusub dalka la soo galiyo.

“Waxaanu leenahay hubkaasi loo fasaxayo Soomaaliya yaa huba in mar labaad shacabkan lagu weerarayo, mise caalamku wuxu u badheedhayaa in hubkoodda dadka lagu laayo, waxaan soomooliya leeyahay  waan idiin ducaynaynaaye qaran noqda oo aqoonsi hela ilaahayna ha idin barakeeyo ee aynu noqono laba dal oo walaalo ah oo jaar ah”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii urur siyaasadeedka kale ee Rays la midoobay xisbiga KULMIYE, kuwaas oo si rasmiya uga mid noqday xisbiga KULKMIYE kana mid noqday guddida fulinta ee xisbigaasi.

Xisbiyada qaranka ayaa u kala tartamaya ururadii doorashadii ku hadhay, waxaana xisbiga wadani ku biiray urur siyaasadeedkii UMMADDA oo dhowaan loo sameeyey xafladdii uu ku soo biiriyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/11/2013 3:53 PM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013(HOL):— Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minnesota waxaa xalay ka dhacay kulan si heer sare loo soo agaasimay, kaasi oo ay ka qeybgalay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Gobolkaas, waxaana kulankan uu ahaa mid lagu soo dhaweynayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

2/11/2013 12:41 PM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Guddi wadajir ah oo ka kooban AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa baaris ay ku sameeyeen kiis ku saabsanaa dil ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose, waxay ku heleen ciidamada AMISOM inay geysteen toogashada dadka rayidka ah ee lagu dilay deegaankaas.

2/11/2013 12:05 PM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo uu ku dhintay ruuxii fuliyay, khasaare dhaawacyo ahna sababay.

2/11/2013 12:03 PM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka socda dalka Burundi, ayaa maanta kula kulmay Muqdisho madaxda dowladda Somalia, ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalix Anaadiif.

2/11/2013 7:58 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta gaaray ciidamadii ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo afdhigeedu ahaa degmada Bardaale ee gobolka Bay, kuwaasoo tiradooda ahayd 300-kasi, iyadoo shalayna ay degmadaas gaareen ciidammo saldhig ku lahaa deegaanka Gof-gaduud Shabeelow.

2/11/2013 7:35 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobayayaa shaacisay in dhammaan xafiisyadeeda ku yaala Magaalada Nairobi ay ugu soo rarayso sida ugu dhaqsiyaha badan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan xarunta dalka Soomaailya ee Muqdisho oo isbedel ammaan uu ka jiro.

2/11/2013 7:27 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda ICRC ayaa waxay ku sheegtay in guddiga caalamiga ee Laan-qeyrta cas (ICRC) iyo mas’uuliyiinta xanaanada xoolaha Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyay olole ballaaran oo lagu daweeyay 700,000 oo nee foo ku nool waqooyiga Somaaliya.

2/11/2013 6:58 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Nabadsugidda gobolka Banaadira ayaa maanta kusoo bandhigtay Muqdisho maydka ruux ay sheegeen inuu xalay ku dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir sarkaal ka tisranaa ciidamada sirta dowladda Soomaaliya.

2/11/2013 6:31 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMIOSM oo isgarabsnaya ayaa howgallo ay ku qab-qabteen boqolaal qof waxay saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

2/11/2013 6:07 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

2/11/2013 3:38 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Waxaa saaka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug qarax lagula beegsaday taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

2/11/2013 2:20 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika oo lagu soo gabgabeeyay xalay magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay ka adkaadeen xulka Burkino Faso oo ay ciyaarta kama dambeysta ah isugu soo baxeen.

2/11/2013 1:48 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qayban lahayd safirka lacagta shilling Soomaaliga ah oo hoos u dhacday tododbaadyadii lasoo dhaafay.

2/11/2013 1:21 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Iyadoo dowladda Mareykanka ay dabada ka riixayso in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay, ayaa guddiga ilaalinta cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea waxay sheegayaan in Al-shabaab ay hub ka hesho shakabado ku xiran Yemen iyo Iiraan.

2/11/2013 12:32 AM EST
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howgallo lagu baarayo hub iyo waxyaabaha qarxa kawada xaafado ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Hodan, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Dayniile.