4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Xulka Kubadda Cagta ee dalka Nayjeeriya oo ku guuleysatay Koobka Qaramada Qaaradda Afrika (DAAWO SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika oo lagu soo gabgabeeyay xalay magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay ka adkaadeen xulka Burkino Faso oo ay ciyaarta kama dambeysta ah isugu soo baxeen.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan oo uu ka qaybgalay guddoomiyaha FIFA Joseph Sab Balater ayaa xulka Nigeria wuxuu kaga adkaaday xulkii Burkino Faso 1-0, waxaana tani ay soo afjaraysaa 19-sano oo Nigeria aysan qaadin koobka Afrika.

Daqiiqadii 39-aad ayaa ciyaaryahanka Mbs Sanday, wuxuu xulka dalkiisa u dhaliyay goolkii ay guushu ku raacday, iyadoo markaas kaddib ay ciyaartu noqotay mid kulul oo koox walba ay raadinayso inay guushu iyadu raacdo.

“Guushan waa mid u timid shacabka Nigeria oo dhan. Markii aan tababaraha u noqday xulkayga sannad iyo bar ka hor, riyadeyda ugu weyn waxay ahayd inaan ka farxiyo shacabka Nigeria oo dhan,” ayuu yiri tababaraha Nigeria, Stephen Keshi oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii Nigeria u qaaday koobkii ugu dambeeyay ee ay ku guulesytaan.

Nigeria's national football team players celebrate after they won the 2013 African Cup of Nations final against Burkina Faso on Sunday at Soccer City stadium in Johannesburg.

Xulka Burkino Faso oo soo bandhigay ciyaar adag ayaa dhowr wuxuu helay fursado u muuqday gool, inkastoo aysan u suurogelin inay kubadda taabsiiyaan goolaha xulka Nigeria oo ay ku tartamayeen koobka.

“Kubadi waa kubad. Markii aad guuleysato ayaadna faraxsan tahay, marka kale ma faraxsanid,” ayuu yiri tababaraha xulka Burkino Faso, Paul Put oo u dhashay dalka Faransiiska. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan leeyahay xulka Nigeria hambalyo, waayo xulkan wuxuu muujiyay ciyaar aad u wanaagsan.”

Tartankan oo soo billowday bishii hore ayaa wuxuu ahaa mid ay kooxihii ku tarmamay ay muujiyeen ciyaaro adag, waxaana gobolka Bari Afrika uga qayb-galay xulka dalka Itoobiya, inkastoo wareeggii labaad ay kusoo hareen.

Dalka Nigeria ayaa waxaa xalay oo ka dhan ka socday dabaal-degyo lagu soo dhaweynayo guusha ay xulkooda ka gaareen koobka, waxaana sidoo kale gabgabadii ciyaarta ka heesay fannaaniin caan ah, iyadoo xulka Nigeria ay qaateen koobkii ciyaarta loogu talogalay.

Nigeria


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya