4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay dadaallo ugu jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen Sarifka Lacagaha


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qayban lahayd safirka lacagta shilling Soomaaliga ah oo hoos u dhacday tododbaadyadii lasoo dhaafay.

Mudane Saacid ayaa sheegay in dowladdu aysan adeegsan doonin inay lacag keento dalka, balse ay sameysay guddi talo-kasoo-siiya sida wax looga qaban karo sarifka lacagaha oo uu sheegay inay dhibaato weyn ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Sidan oo kale, markii sarifka lacagta shillin Soomaaliga uu hoos u dhac ku yimaado waxaa lasoo sameyn jiray shillin si wax looga bedelo halka sarifku uu joogo. Balse innagu taas ma adeegsan doonno, waxaase qorshaheennu yahay inaan si cilmiyeysan wax uga qabanno,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in sarifka lacagta ee aan fadhin ay u xanuunjisay si la mid ah sida ay u xanuujisay shacabka Soomaaliyeed, balse uu shacabka u sheegayo inay socdaan qorshayaashii wax looga qaban lahaa.

“Guddi aqoonyahanno ah oo inay talo naga siiyaan aan ka codsannay ayaan u saarnay inay baaritaanno ku sameeyaan sababaha keenay in shilinkii Soomaaliya uu hoos u dhacay. Waayo waxaan doonaynaa inaan si dhow u darasno dhibaatadan innagoo kaashanayna warbixinta guddiga,” ayuu yiri mudane Saacid.

Hoos u dhacaya ku yimid sarifka shillinka Soomaaliga ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay nolosha dadka saboolka ah, iyadoo bil ka hor lagu sarifi jiray halkii dollar 22,000 oo shillin Soomaali ah, halka uu maanta marayo 17,000 oo shillin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka hadshay isbedelkan, waxaana mas’uuliyiinta xukuumaddu ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ay wax uga qabanayaan isbedelka sarifka, inkastoo aan la ogeyn xilliga ay tallaabo qaadi doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya