4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Guddiga la socodka Cunno-qabateynta Hubka ee Saaran Somalia oo sheegay in Al-shabaab ay hub ka hesho Yemen iyo Iiraan


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Iyadoo dowladda Mareykanka ay dabada ka riixayso in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay, ayaa guddiga ilaalinta cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea waxay sheegayaan in Al-shabaab ay hub ka hesho shakabado ku xiran Yemen iyo Iiraan.

Guddiga ayaa sheegay in hubkan uu soo maro dalka Yemen, uuna ka galo Soomaaliya xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntlnad. Iyadoo hubkaas la geeyo Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ku xooggan tahay Al-shabaab.

Dublamaasiyiin magacyadooda qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Al-shabaab uu hub fara badan oo ay ku jiraan waxyaabaha qarxay uga dagay kuwaasoo ay ku jiraan bambooyin, qoryaha fudud, miino iyo qoriga baasuukaha loo yaqaan.

Al-shabaab ayaan ka hadlin warbixinta, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn saameynta ay warbixintan ku yeelan karto dadaallada lagu doonayo in cunnoqabteynta hubka looga qaado Soomaaliya.

Dowladda Iiraan ayaan wax jawaab ah ka bixin warbixinta ay guddiga UN-ka ee cunno-qabteynta hubka Soomaaliya ay ku sheegeen in Al-shabaab ay hub ka hesho shakabado ku xiran dalkeeda.

Warbixintan ayaan waxay kusoo beegmaysaa xilli dowaldda Soomaaliya ay ka dalbatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in laga qaado cunno-qabteynta hubka, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda oo awoodda dalka la wareegi doona marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa tan iyo sannadkii lasoo dahafay laga saaray deegaanno badan oo ay ka talin jirtay, kaddib dagaallo culus oo ay la gashay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya