4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Howgallo baaritaano ah kawada Degmooyinka ka tirsan Muqdisho


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howgallo lagu baarayo hub iyo waxyaabaha  qarxa kawada xaafado ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Hodan, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Dayniile.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinkan ayaa sheegay in ciidamada is-garabsnaya ay xalay soo buuxiyeen deegaannadooda ayna u diideen inay ka baxaan guryahooda.

“Saakay xilligii salaadda subax ayaa waxaan u baxay dibadda, balse ciidamo ayaa i soo celiyay, waxaana ku jiraa gurigeyga,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Dayniile oo intaas ku daray. “Ciidamadu guri-guri ayay u baarayaan guryaha.”

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay guryaha mid-mid u galayaan ayna ka baarayaan waxyaabaha qarxa, hub iyo xubno Al-shabaab ka tirsan. Inkastoo baaritaankan uu yahay mid ka duwan kuwii horay ay u sameyn jireen ciidamadan.

“Askartu waxay guryaha u galayaan qol-qol, waxay baarayaan joodariyada, armaajooyinka, sanduuqyada iyo meel walba oo ay ka shakiyaan, sidoo kale waxay lugaha ku garaacayaan dhulka si ay u baaraan meel hub lagu aasay,” ayay tiri haweeney deggen degmada Hodan oo gurigeeda la baaray.

Dhallinyaro ayay dadka deegaanku sheegeen in lagu qabqabtay howgalkan, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan baaritaanka ay saakay ka wadaan degmooyinka Hodan iyo Dayniile.

Ma ahan makrii ugu horreysay oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaanno ku sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, balse bilihii lasoo dhaafay ay baaritaanno noocan oo kale ah ku sameeyaan inta badan degmooyinka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya