4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Kooxda kubadda cagta Ciidanka Asluubta degmada Boorame oo ku guuleysatay Koobkii Dowladda Hoose (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) —  Kooxda ciidanka asluubta ayaa maanta ku guuleysatay koobkii dowladda hoose ee degmada Boorame kaddib ciyaar maanta ka dhacay garoonka weyn ee magalaada Boorama ee Biroole, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan.

Garoonka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha qaban-qaabada koobka dowladda hoose, isagoo sheegay in muhiim ay tahay in dhalliyaradu ay ku ciyaaraan garoonka, isagoo sheegay inay soo jiidatay shacabka degmada ku nool oo dhan.

“Maanta waxaa la taagan yahay maalin isboortigu aad u fiican yahay, balse loo baahan yahay in kor loo sii qaado, waxaama ku baaqayaa in ciyaaraha la horumariyo dhallinyarada la ilaaliyo,” ayuu yiri mas’uulkan u hadlay qaban-qaabiyeyaashii ciyaarahan.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay guddoomiyaha isboortiga gobolka Awdal iyo Selel ee Somaliland, isagoo sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa isbarootiga iyo dhalinyarada, balse loo baahan yahay in marka hore gacmaha la is-qabsado, haddii aan la isqabsanna aysan waxba hagaagi karin. Isagoo ku baaqay in ciyaarahan mar walba lagu qabto degmada.

Ciyaartii maanta dhacday oo ay ku tartamayeen kooxaha ciidanka asluubta iyo kooxda kale ee Xasan Sport Center ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan. Waxaana1-0 ku adkaatay kooxda asluubta.

Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay iyadoo kooxda Xasan Sport Center sport center ayaa lasoo laabatay ciyaar aad u wanaagsan oo iyadoo kooxuhu ay midba midda kale ku qaadaysay weerar, balse waxay guushu ku raacday kooxdii ka socotay ciidanka asluubta degmada Boorame.





Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorama, Somaliland