4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga
Jimco, February 01, 2013(HOL): Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dowladda Mareykanku ku leedahay dalka Turkiga, iyadoona uu sababay dhimashada laba qof oo uu ku jiro ruuxii is-qarxiyay iyo burbur soo gaaray iridda hore ee safaaradda. 

Goobjooge ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu geystay ruux walxaha qarxa isku soo xiray, wuxuuna sheegay in ay ku dhinteen laba qof oo uu ku jiro ruuxii isqarxiyay.

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Turkiga Francis Ricciardone ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada hal askari oo katirsanaa ilaalada safaaradda.

“Aad baan uga xunnahay dabcan in aan weyno mid kamid ah ilaaladeena oo u dhashay Turkiga,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay isagoona u mahadceliyay dowladda Turkiga iyo Booliskooda sida ay uga hortageen qaraxa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd meel ay ku yaallaan safaarado badan oo ay kamid yihiin safaaradaha dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka.

Xarunta safaaradda Mareykanka ee dalka Turkiga ayaa ah goob ammaankeedu siweyn u adagyahay, haseyeeshee mudooyinkii u danbeeyay waxa socday dadaallo lagu doonayay in laga raro halka ay imika ku taal sababo dhanka ammaanka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya