4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo ku dhaawacmay Qaraxyo Xalay ka dhacay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo lagu weeraray gaadiid ay booliisku lahaayeen oo marayay meel ku dhow xerada Dhagaxley.

Weerarkan ayaa dhacay fiidnimadii xalay, xilli ay dadku ku jireen tukashada salaadda cishaha, iyadoo weerarka kaddib ay ciidammo fara badan oo Kenyan ah soo gaareen xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

“Qaraxyadan waxaan ku sheegi karnaa dhibaato weyn, balse dadka ku nool xeryaha Qoxootiga waxaan ka dalbanaynaa inay nala shaqeeyaan waayo, kooxaha dhibaatooyinka geysanaya iyaga ayay ku dhex nool yihiin,” ayuu yiri Charlton Mureithi oo ah taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Booliiska Kenya ayaa dhawaan toogtay hoggaamiyaha burcadda dhibaatada ku haya, iyadoo mid kalena uu goobta ka baxsaday, waxayna ciidamadu gacanta ku dhigeen qoryo fudud iyo rasaas fara badan, kuwaasoo ay ku sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Sidoo kale, booliisku waxay sheegeen inay raadinayaan ruux ay ku sheegeen inuu ka mid yahay burcadda dhibaatooyinka ku haya qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay in weerarku uusan ahayn mid weyn oo dhibaato u geysan kara qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo ah kuwa ugu waaweyn dunida.

Saraakiil badan oo Kenyan ah ayaa lagu dilay kuwo kalena dhaawacay kaddib markii lagu weeraray qaraxyo kala duwan labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo ku eedeeyay weerarradaas Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya