4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo London ku sugan


Jimco, February 01, 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

 

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliya R/Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adan,Wasiiru-dowlaha madaxtooyadda Faarax Shiikh Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka howlgash xafiiska  Madaxweyaha Soomaaliya.

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxay jawaab u tahay martiqaad uu madaxweynaha ka helay dowladda Ingiriiska. Inta uu London ku sugan yahay madaxweyaha waxaa uu la kulmi doonaa Ra’iisal Wasaaraha Britain Mr. David Cameron iyo madax kale oo dowladda ka tirsan, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan xiriirka labada dal iyo wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara labada dhinac. Sidoo kalena wuxuu la hadli doonaa Soomaalida ku nool UK.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu maalmihii tegay ku sugan Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu kulamo kula lahaa madaxda sare ee Midowga Yurub oo madaxweynaha casuumaad u fidiyay, kuwaasi oo ay ka wada hadleen bogga cusub ee Soomaaliya u furmay iyo xiriirka labada dhinac iyo sida Midowga Yurub uu u taageeri karo Soomaaliya.

 


Casuumadda uu Midowga Yurub u fidiyay Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa waxaa ka horreysay casuumaad ay dowladda mareykanka u fidisay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana aqalka cad ee mareykanka ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Kulanka labada madaxweyne kaddibna dowladda mareykanka waxay ku dhawaaqday in ay aqoonsi buuxa siineyso Dowladda Soomaaliya.

 

Safarka Britain kaddibna waxaa uu madaxweynaha u amba bixi doonaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir ay leeyihiin dalalka Islaamka. Safarrada Madaxeynaha ayaa waxay qeyb ka yihiin safarro kala duwan oo uu dib loogu soo celinayo  xiriirka Soomaaliya ay la lahayd beesha caalamka.



 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]