4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Xukuumadda Somaliland oo Afar wariye Damaanad kusii daysay Afar Suxufi oo kalena u Taxaabtay Xabsiga Dacar-buluq

Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Afartii wariye oo muddo toddoba cisho u xidhnaa xukuumadda ayaa maanta lagu siidaayey damaanad, halka qaar kalana la xidhay.

Afartan wariye ayaa kala ahaa Xasal Maal Dhidar oo ka tirsan Universal Tv, Cabdicasiis Bashiir Nuur oo Ka tirsan xogreeb News, Siciid Khadar Cabdilaahi iyo Cabdisalaan Cabdirashiid oo labadooduba ka tirsan Telefishanka Bulsho Tv.

Xoghayaha ururka Saxaafadda Somaliland Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax ayaa sheegay inay afartan wariye ay damaanadku sii daysay wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, iyo gudoomiyaha hay’adda xuquuqul insaanka dawladda Farxiya Cismaan Jaahuur.

Dhinaca kale, waxa isla maanta xabsi ku yaalla Magaaladda Dacar budhuq oo u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera loo taxaabay afar wariye, kuwaas oo ku guddo jiray hawlahoogii shaqo, isla markaana war ka soo duubay odayaal ka cabanayey xukuumadda.

Afartan wariye ayaa ciidamada degmada Dacar Budhuq xabsiga u taxaabeen ka dib markii ay hawshoodii soo dhamaysteen, isla markaana iyago dhinaca Hargeysa usoo socda dhexda laga qabtay, xabsiga loo taxaabay iyaga iyo odayaashii la socdayba.

Wariyeyaashan la xidhay ayaa kala ahaa Sawir qaadde Cali Xasan Sugule iyo Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab Xuseen oo ka tirsan Telefishanka Universal, Faysal Maxamed Aadan oo ah wariye Royal Tv ah  iyo Najiib Cabdilaahi Colaad oo bulsho Tv ka hawlgalla.

Si kastaba ha ahaatee, Wariyeyaashan ayaa xadhigoogu ka dambeeyey ka dib markii odayaasha deegaanka Jaleelo oo ka tirsan gobolka Saaxil oo ka cabanayey wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor ay warbaahinta ka hadleen kuna dhaliileen wasiir ku xigeenka inuu faraha lagalay wax aan khuseyn.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa la sheegay inuu kala diray guddigii degmadda Jaleelo, isla markaana xubno kale soo magacaabay, arrintaasi waxay ka cadhaysiiyey odayaashii deegaanka oo sheegay inay khalad tahay inuu wasiirku isagu magacaabo guddida deegaanka, balse ay ahayd inay deegaanku iska soo doortaan  guddida deegaanka.

Xoghayaha ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa cambaareeyey xadhiga, isagoo xukuumadda ka codsaday in si degdeg ah loo siidaayo wariyaasha.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa dadweynaha magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay isku soo bax balaadhan ka sameeyaan magaaladda Hargeysa si ay u muujiyaan sida ay xukuumadda ula dagaalamayso xoriyatul qawlka iyo xadhiga wariyeyaasha, kuwaas oo ku beegaya maalinta xuquuqul insaanka caalamka oo barri ku beegan, haseyeeshee xukuumadda ayaa si weyn uga hortimid mudaharaadkaasi, isla markaana ku gacansaydhay codsiga mudaharaadkaasi uu xisbigaasi dalbaday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland