4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Wafdigii Dowladda Federaalka Somalia uga Qaybgalay Xuskii Qowmiyadaha oo la kulmay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida (SAWIRO)

Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Wafdigii maalin ka hor uga qayb-galay magaalada Jig-jiga xuska qowmiyadaha ee ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana wafdigan uu madaxweynaha ku soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada.

Wasiirka warfaafinta iyo is-gaarsiinta Soomaaliya  Cabdulaahi Ciil-Mooge Xirsi oo hadal furitaan ah shirka ka jeediyay ayaa is-barasho u sameeyay wafdigii uu horkacayay iyo madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ,isagoo si gaar ah uga sheekeeyay soo dhaweyntii loogu sameeyay magaalada Jig-jiga oo ahayd mid xubnaha dowladda ay aad ula dhaceen.

“Aniga iyo wafdigaba farxad gaar ah ayey inoo tahay In halkan aan idiin  kugula kulanno ,waayo Jig-jiga waxey inoo tahay  sida annaga oo dalkeeni hooyo joogna oo kale," ayuu yiri wasiirka oo ammaan ballaaran u jeediyay madaxda sare is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi (Faracade) oo ka mid ah hogaamiye dhaqameeyadii shirka uga qaybgalay magaca Soomaaliya ayaa madaxweynaha si toos ah u weydiiyay sababta keentay in wafdiga dowladda Soomaaliya aysan wax khudbad ah ka aqrin xafladdii qowmiyadaha oo maalinimadii shalay ahayd la soo gaba-gabeeyay.

Inta ka dib madaxweyne Cabdi  Maxamuud Cumar ayaa ku qanciyay wafdiga in ay dhaceen cilado farsamo intii lagu guda jiray xafladda balse wafdiga Soomaaliya ay mudnaayeen in munaasabadda ay ku yeeshaan qudbadooda, isagoo xusay in uu wafdiga ku soo dhaweynayo magaalada Jig-jiga.

“Sida saxda ah waxaan wafdigii ka socday Soomaaliya u qorshaynay in ay hadlaan ,balse markii danbe waqtiga oo ciriiri noqday iyo cilado dhacay awgood ma suurtagalin waana mid aan ka raali galinayo madaxda halkan noogu timid ,xittaa hadiyado aan ugu tala-galnay in aan guddoonsiino raysul-wasaaraha Itoobiya maalintaas ma dhicin waqtiga oo koobnaa dartiis“ayuu yiri madaxweynaha oo in badan ka soo sheekeeyay xiriirka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya .

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowlad ahaan ay ka tirsanyihiin Itoobiya balse Soomaalinimada ay la wadaagaan Soomaaliya inteeda kale; isagoo si gaar ah u tilmaamay in labada shacab ay yihiin dad walaalo ah oon waxba kala lahayn.

 

 Xildhibaan Nuur oo ka mid ah mudanayaaha barlamaanka Soomaaliya kuna hadlayey magaca xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey mahamadaxweynaha sidii diiraneyd ee halkaas loogu soo dhaweeyey wuxuuna gaarsiiyay fariin uu ka sido guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Xildhibaan Nuur ayaa ku amaanay maamulka madaxweyne Cabdi Cumar dhallinyarada frifircoon ee kala shaqeeya maamulkiis ee ku tilmaamay maamul ku dayasho mudan.

Gabagabadii shirka ayaa wafdiga dowladda Somalia kula taliyeen madaxda Is-maamulka Soomaalida in ay ka qayb-qaataan horumarka iyo nabadaynta Soomaaliya si Itoobiya ay u noqoto wadan ka bad-baada dhibaatooyinka hadda ka jira meelo kamid ah Soomaaliya,iyaga oo markii uu shirka dhamaaday dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka yimaadeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]