4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku ridday Wariyeyaal la eedeeyay iyo Milkiilaha Idaacadda Shabeelle


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku ridday maanta xukunno xabsi ah oo kala duwan wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan idaacadda Shabelle, Faadumo C/qaadir oo ah suxufiyad sheegtay in la kufsaday iyo milkiilaha idaacadda Shabeelle C/maalik Yuusuf.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah oo uu iibsan karo, milkiilaha idaacadda Shabelle ayaa isagana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah oo uu iibsan karo, iyo gabadha sheegtay in la kufsaday oo iyadana lagu xukumay lix bilood oo dibad-joog ah ama ay gurigeeda ku qaadanayso.

Xukunnadan ayaa waxay yimaadeen kaddib markii maxkamaddu ay maanta dhageysatay dacwooyin kala duwan oo lagu soo oogay saddex ruux ee lagu xukumay xabsiyada kala duwan.

Milkiilaha idaacadda Shabeelle ayaa lagu eedeeyay inuu ka shaqeynayay burburinta qaranka uu qoray warbixinno ka dhan ah dowladda, inkastoo ay dood adag dhacday haddana maxkamaddu waxay gaartay go’aankan.

Sidoo kale, wariye Maxamed Bashiir iyo Faadumo C/qaadir ayaa iyagana lagu eedeeyay inay been abuureen kiiska kufsiga ah, inkastoo gabadha ay ka hor-sheegtay maxkamadda in la kufsaday dhibaatana loo geystay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunnadan kala duwan ee lagu riday eedeysanayaashan ee la soo eedeeyay, iyadoo la sheegay in maalintii ay ku iibsan karaan 20,000 oo shilling Soomaali ah ama hal doollar maalintii haddii ay xabsiga dhameysanayaan.

Dhanka kale, maxkamadda waxaa joogay labadii wariye ee ay gabadhu ku eedeysay inay kufsadeen, kuwaasoo ka tirsan warbaahinta dowladda, mana jirto wax su’aalo ah oo arrintan laga weydiiyay.

Xukunkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo garsoorka dalka uu ku rido qof dumar ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareystay, iyadoo uu dhawaan sheegtay madaxweynaha in dowladdu ay dagaal la galayso kuwa kufsiga u geysanaya haweenka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya