4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Ducooyinka loo sameynayo hoggaamiyihii Koonfur Afrika Nelson Mandela oo weli ka socda Magaalooyinka Waaweyn ee Dalkaas


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Ducooyinka loo sameynayo hoggaamiyihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo geeriyooday toddobaadkii hore ayaa weli ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Boqolaal qof ayaa isugu soo ururay magaalada Soweto oo uu ku geeriyooday Mandela, iyagoo sameynaya dabaaldagyo iyo duceeyin, waxaana dadka qaar ay ahaayeen kuwo barooranayay, halka kuwa kalena ay qaadayaan heeso ay sheegeen inay yihiin kuwo isugu jira xusuus iyo duco.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo la hadlayay dadweyne duco u sameynayay Mandela ayaa ku ammaanay Mandela inuu dadka fari jiray oo uu ku camal-fali jiray dib u heshiin iyo in la is-cafiyo, taasoo uu sheegay inay tahay tan Koonfur Afrika ka dhigtay Qaran jira.

Maydka Mandela waxaa maalinta Arbacada ah ee soo socta la dhigi doonaa dhismaha Union Building ee Pretoria si dadku u sii sagootiyaan, halkaasoo ah halkii lagu dhaariyay 1994-kii markii uu madaxweynaha ka noqday Koonfur Afrika.

Naxashka maydkiisa lagu qaadi doono waxaa la dhexmarin doonaa jidadka waaweyn ee magaalada Pritoria subax walba si dadweynaha waddooyinka isugu soo baxaya ay u sii mac-salaameeyaan.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay qoyskii uu kasoo jeeday Mandela u geeyeen warqad ay ugu tacsiyeynayaan, iyagoo xusay in ay u sheegeen inuu ahaa hoggaamiye weyn oo Afrika oo dhan ka dhintay.

Hoggaamiyihii Koonfur Afrika oo aha aabbihii xoorriyadda dalkaas ayaa ku dhintay da’da 95-sano, kaddib markuu bilihii lasoo dhaafay xanuun dhinaca sababada ah uu haleelay.

Xusaska iyo aaska Nelson Mandela waxaa ka qayb-galaya in ka badan 50-hoggaamiye oo dalalka dunida ka kala socda, waxaana ka mid ah Barack Obama Mareykanka, xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-Moon iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya