4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgala Somalia oo lagu eedeeyay inay lacago fara badan siiyaan Xarakada Al-shabaab


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Warbixin cusub ayaa muujinaysa inay hay'adaha gar-gaarka lacago siiyaan Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrikca ee tageera.

Hay'adaha ayaa la sheegay inay lacagta u bixinayeen sidii ay cunno gargaar ah u gaarsiiyaan lahaayeen dadkii la il-darnaa abaarihii Somalia ku dhuftay sannadkii 2011-kii. iyadoo aysan jirin hal hay'ad oo magaceeda la xusay.

Sidoo kale, hay’adaha ayaa qaarkood ayaa la sheegayaa in illaa haatan ay lacago bixiyaan si ay ugu howl-galaan dhulka ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixintan oo ay si wadajir ah u soo saareen Humanitarian Policy Group of the Overseas Development Institute (ODI) iyo xarunta cilmi-baarista ee Heritage ayaa waxay sheegaysaa in kooxda Al-shabaab ay hay'adaha ka dalbato lacago si ay ugu oggolaato in howlahooda ay ka fushadaan deegaannada ay ka taliso.

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay hay'adaha ka dalabto markiiba lacag dhan 10,000 oo doollarka Mareykanka ah si loo diiwaan-geliyo ayna uga howl-gasho deegaannadooda.

Ururka ayaa la sheegayaa in inta badan ay iyagu qaybiyaan raashiinka loogu talo-galay gargaar ahaanta ee la gaarsiiyo dhulka ay ka taliyaan. Warbixintu intaas ku dartay in qayb ka mid ah cunnada gargaarka ah ay Al- shabaab u dhigayeen dagaallamayaashooda.

Waxaa kaloo ay warbixintu sheegaysaa in Xarkada Al-shabaab ay raashin dheeri ah siiyaan dadka u soo gudbiyo wararka la xiriira howlaha hay'adaha gargaarka.

Ugu dambeyn, warbixintu waxaa lagu sheegay in hay'adaha ay la sheqeyn jireen xafiiska Al-shabaab u xilsaarnaa arrimaha gargaarka, taasoo ah sida lagu sheegay warbixinta mid sharci-darro ah.

Inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay weli hay’adaha gargaarku arrintan ka bixiyeen ayaa haddana waxaa la xusuustaa in Al-shabaab ay hay’ado badan ka eryeen deegaannada ay ka taliyaan kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeeya reer galbeedka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya