4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo Xalay Weerartay Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas haddana dadka deegaanku waxay sheegeen in hubka noocyadiisa kala duwan ay dhinacyadu isku adeegsadaan.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Afmadow ayaa u sheegay warbaahinta in la iska caabiyay weerarkii Al-shabaab ay soo qaaday, balse waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin intaas ka badan bixiyaan.

Xarakada Al-shabaab iyo AMISOM ayaan midna weli ka hadlin dagaalkii xalay ku dhexmaray degmada Afmadow, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo soo noqnoqday oo degmadaas ku dhexmarayay tan iyo billowgii sannadkan Al-shabaab iyo ciidamada Kenya.

Degmada Afmadow ayaa xaaladeedu saakay daggan tahay, iyadoo dadku ay sheegeen in howlihii kala duwanaa ay si caadi ah sakaay u socdaan, inkastoo dadku ay hadal hayan dagaalkii xalay dhacay.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa qaybo ka mid ah weli ka talisa kooxda Al-shabaab, iyagoo weerarro isugu jira kuwo gaadmo ah iyo kuwo toos ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin gobolkaas.

Wixii kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socoon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya