4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo Maanta si Nabad ah loogu soo gaba--gabeeyay Magaalada Jig-jiga (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Jig-jiga ee Is-maamulka Soomaalida Itoobiya lagu soo gaba-gabeeyay xuskii sideedaad ee maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya oo ku beegnayd 29-ka  bisha Hiidhaar ee sannadka 2006-da taariikhda Itoobiya, taasoo ahayd mid si heer qaran ah loosoo agaasimay, ayna kasoo qaybgaleen wufuud heer caalami ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb-galay madaxda ugu sarreysa Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa ismaamulka Soomaalida, iyadoo sidoo kale waxaa ka mid ahaa madaxdii munaasabadda ka qaybgalay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, guddoomiyaha baarlamaanka Kenya, Justin Muturi, afhayeenka barlamaanka Rwanda iyo wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Qowmiyadaha Itoobiya oo gaaraya 90-qowmiyadood oo ku kala hadla afaf kala duwan ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqankooda, iyadoo qowmiyad walba ay calankeeda wadato, waxaana la arki karayay kala duwanaanshaha u dhaxeeya sagaalka maamul deegaaneed ee halkaa ciyaaraha kala duwan kusoo bandhigay.

Furitaanka munaasabadda waxaa hadal kooban ka jeediyay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo hambalyo ku aaddan xuska u diray dhamaan qowmiyadaha ku wada nool Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Waan u mahad-celinaya dhammaan marti sharafta leh ee munaasabadda kasoo qayb-gashay, anigoo hambalyo gaar ah u diraya qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya oo xuskooda aan halkan u wada joogno maanta," ayuu yiri madaxweynaha oo ku hadlayay afka axmaariga oo ah luuqadda koowaad ee dalka itoobiya looga hadlo.

Intaa kaddib waxaa goobta khudbad ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, isagoo hambalyo u diray qowmiyadaha Itoobiya ku nool, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zanawi oo uu ku sheegay ruuxii ka dambeeyay in Itoobiya ay ku tallaabsato hormar caynkan oo kale ah.

Kooxda hiddaha iyo dhaqanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa goobta kusoo bandhigay dhiisha caanaha oo ahayd mid aad u weyn, isla markaana lahayd sagaal ilood oo loogu tala galay in caanaha laga wada cabbo, iyadoo ujeedka laga lahaa ay ahayd in dhammaan qowmiyadaha dalkan ay helaan fursado isku wada mid ah, gaar ahaan dhinaca qayb-sashada kheyraadka dalka.

Madaxweynaha Jubuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madasha ka jeediyay khudbad aad loo jeclaystay, wuxuuna ahaa qofka kaliya ee kasoo qayb-galayaasha kula hadlay afka Soomaaliga.

“Waxaan hambalyo idiin kaga sidaa shacabka Jabuuti anigoo sidoo kale u hambalyaynaya walaalaha Soomaaliyeed ee Jigjiga sida quruxda badan ee ay u agaasimeen munaasabadda qowmiyadaha Itoobiya," ayuu yiri Ismaaciil Cumar oo khudbadiisa ay ahayd mid Soomaalida aad u soo jiidatay.

Dhinaca Soomaaliya waxaa xafladda uga qayb-galayay wafdi aad u ballaaran oo uu hoggaaminayay wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi, waxaana wafdiga ay aad ula dhaceen dhaqamadii kala duwanaa ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ay maanta soo bandhigeen.

Sidoo kale, waxaa iyana xafladda joogay madax ka kala socotay maamullada Soomaaliya ka jira oo ay ka mid ahaayeen; Somaliland, Puntland iyo Jubba, waxaana kala matalayay Axmed Siilaanyo ,Cabdirixmaan Faroole iyo Axmed Madoobe.

Ugu dambayn, madaxda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dadaal aad u badan ku bixiyay in markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya xuskan lagu qabto magaalada Jig-jiga, kaasoo maanta si nabadgalyoah lagu soo gaba-gabeeyay, iyadoo dhammaan wafuuddii kasoo qayb-gashay ay hambayo u direen shacabka Itoobiya qaybihiisa kala duwan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]