4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Magaalada Hargeysa oo ay ka Dhacday Jaad la'aan Kaddib markii xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya la xiray

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa maanta ay ku dhacday Jaad la’aan ka dib markii dawladda Itoobiya xiray Xadkii u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya munaasibadda maalinta qoomiyadaha Itoobiya Awgeed.

Dadka Jaadka Cunna ayaad moodaysay inay maanta mudaharaadayeen, iyagoo soo buux dhaafiyey goobaha lagu iibiyey, isla markaana naawilayey inuu soo galayo jaadku, isla markaana qof waliba doonayey in aan looga horeyn oo aanay jaad la’aani ku dhicin.

Saaka illaa makhribkii ayey dadku sugayeen inuu jaad yimaado, iyagoo labaddii gaadhi ee u horeeyey shanti galabnimo soo galay magaaladda, kuwaas oo siyaabo khiyaamo ah ku soo galay, isla markaana aan soo marin jidadkii lagu yaqaanay ee si koontorobaan ah ku yimid, taas oo keentay inay dadku ku qamaamaan intii yarayd ee timid.

Dadkan ay ku talaalantahay suntan Qaadku waxa wejiyadooda ka muuqatay cadho badan oo aanay is ogeyn marxadda ay ku jiraan, isla markaana ka xanaaqsanaa habsanka jaadka ku yimid, halka qaarkoodka ka hortagay jaadka, isla markaana hadba baabuurka soo galla soo garab cararyey taasina waxay badisay sawaxankii iyo qayladdii magaaladda.

Magaalooyin badan oo Somaliland oo aan la xidhiidhay ayaa sidan oo kale iyaguna qaad la’aanku dhacday, waxaanay dadka muqayiliinta ahi hortubnaayeen laamiyadda iyo meheradaha hortoodda, haseyeeshee waxa cajiib ah boqolaalka qof ee gaadhiga soo galaba ku cararayey, haseyeeshee ma jirin cid boobaysa iyo cid xoog ku qaadan karta jaadka, waxaanay ugu jiraan safaf dhaadheer sidii nin waliba qaad u heli lahaa.

Gaadiidkan qaadka siday oo jidadkii lagu yaqaanay aan soo marin si ay magaaladda Hargeysa ugu soo horeyn lahaayeen, ayaa intooda badani soo dhaafeen kastamadii qaadka lagu cashuurayey si aanay ugu habsaamin inta la xisaabinayo, haseyeeshee waxa khatar ka iman karta tartanka shirkadaha jaadka ugu jiraan inay usoo kala horeeyaan macaamiishooda, taas oo khatar galin karta gaadiidka iyo dadka saaranba, illaa iyo hadana lama sheegin wax khasaare ah.

Guud ahaan dadweynuhu ayaa aad u dareemay maqnaashaha qaadka oo loo xidhay xuska qoomiyadaha ka dhacayey deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga si amniga loo sugo, maadaama oo galinka dambe looga baran inay dadweyne intaas leeg suuqa iskugu yimaadan.

Qaad la’aantaasi waxa uu keenay inuu qaali karoobo iyadoo Kiillooga Jaadka ah oo awal hore loo siin jiray 15 dollar galabta la kala siinayey 25 dollar sida ay ii sheegeen dadkii tirada yaraa ee soo iibsaday, taas oo dad badan ku kaliftay inay iska seexdaan markii ay goyn kari waayeen.

Dhinaca kale,  Dadweyno badan oo reer Somaliland ayaa aad ugu faraxsanaa maqnaanshaha qaadka, iyagoo ilaahay ka baryey inay maalin walba sidaas ku maqnaado, waxaana maanta korodhay dakhligii ganacsatada gaar ahaan meelaha cuntooyinka lagu iibiyo.

“Waxaan maanta ku farxay maqnaanshaha qaadka ee xadka laga xidhay, waxaana odhan lahaa dalkaasi Itoobiya maalin walba xaflado sidan oo kale ah ha samaystaan si jaadka aanu uga raysano”ayuu yidhi Axmed Jaamac oo ka soo horjeedda dhibta uu jaadku u leeyahay bulshadda.

“Lacagtii inaga lumi jirtay waxay maanta dib u gashay dalkeena oo ilaa maanta makhaayadadihii shaaha iyo sharaabka iyo hoteeladii may rawaxin oo waxa kuyuu loogu jiray kuraasta, kuwaas oo la kala waayey cuntadii, maadaama oo dad intaas leeg loogu talogalin wakhtiyadana aanay joogi jiray suuqyadda”ayuu yidhi Maxamuud Xasan oo ka mid ahaa dadka makhaayadaha ku leh magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxa xusid mudan inay madaxweynaha oo ka yimid magaaladda Jig-jiga uu la kulmay boqolaal dadweyne oo tuban laamiyadda hareeraheedda oo dhinaca uu qaadku ka soo galay eegaya, kuwaas oo qaarkood ku dhawaaqayey jaad ma sidaa, iyagoo gaadhi kasta oo magaaladda soo galaya waydiinayey inay jaad sidaan.

Jaadkan soo galay magaalada ayaa ka soo wareegay dhinaca Awdal, isago soo maray magaaladda Xariirad, isla markaana isku soo biimeeyey wadooyinka rafka ah ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta kor u kacay dhaqaalaha dadweynaha, gaar ahaan makhaayadaha iyo hoteeladda oo lacagtii la siin lahaa jaadka ay gashay wadanka gudihiisa, inkastoo qaarkood la sugayeen jaadka iman doonno oo aan la hubin wakhtiga uu iman doono.

Somaliland ayaa lagu qiimeeyaa lacagta kaga baxday jaadka malaayiin dollar, kuwaas oo aan waxba ku bedelan, inkasto wasiirka cusub ee ganacsiga Cabdilaahi Maxamed Cumar balanqaaday inuu doonayo inuu sameeyo isku dheelitiran ganacsi si aanay dhinac uun u faa’iidin ee qolaba waxay ku fiican tahay qoladda kale u gudbiso, maadaama oo Somaliland u gudbin karto Itoobiya Milixda iyo Kaluunka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland