4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Askari ka Tirsan Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah howl-galka AMISOM oo ku dhintay Qarax ka dhacay Beledweyne

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howglalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa u geeriyooday qarax ka dhashay soo saarista ama burburinta walxaha qarxa oo ay ka mid tahay miinada dhulka lagu aaso.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti halka mid ka mid ah markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Askarta khasaaraha uu kasoo gaaray qaraxa ayaa ahaa kuwa miino baaristan ciidamada Jabuuti oo xilligaa la sheegay inay ku guda-jireen howlgal ay ku baadi-goobayeen walxaha qarxa.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa qoraalka uu soo saaray uga taciyeeyay ciidamada Jabuuti geerida ku timid askarigooda.

Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa 19-kii aynu soo dhaafnay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhiga Beledweyne waxaa uga dhintay hal askari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya