4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Magaalada Baydhabo oo lagu dilay qof ilaalo u ahaa taliyaha nabad-sugidda Buurhakabo iyo Dagaal ka dhacay Magaalada

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah ilaalada taliyaha nabad-sugidda degmada Buur-haka ee gobolka Bay, Col. Cali Garruun, sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay iska-horimaad xooggan.

Lama oga ciddii ka dambeysay dilka ruuxan ilaalada u ahaa taliyaha, balse ciidamada booliiska ayaa billaabay inay baaritaan ku sameeyaan hoteellada ku yaalla magaalada, waxayna kasoo qabqabteen dad fara badan.

Intii ay baaritaannadu socdeen ayaa waxaa hoteel lagu magacaabo Rijiile oo ku yaalla bartamaha Baydhabo uu iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada booliiska degmada iyo ilaalada hoteelkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ciidamada booliiska Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa afartii blood ee lasoo dhaafay ahayd mid daggan iyadoo shalay laga dareemay magaalada xiisad, kaddib markii ay gaareen wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Baydhabo ayaa waxaa hadda ka socda laba shir oo iska soo horjeeda oo mid ka mid ah uu yahay shirkii maamul u sameynta gobollada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo wajigiisii labaad uu furmay maanta iyo shir kale oo kasoo horjeeda oo uu gar-wadeen ka yahay xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa saakay daggan, iyadoo dadka degmadu ay is-weydiinayaan dagaalkii xalay dhacay, iyadoo dhanka kalena ay maanta ammaanka magaalada aad u xoojiyeen ciidammo Soomaali ah iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Hiiran Online, Baydhabo