4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Odayaal Kawada Hadlay sidii loo sii dayn lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno odayaal ah ayaa kawada hadlay maanta sidii lagu sii dayn lahaa Sh. Xasan Daahir Aweys oo muddo shan bilood ah u xiran dowalda Soomaaliya.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabihii kulanka looga hadlay ayaa haddana odayaal ka qaybgalay kulanka waxay sheegeen in hal toddobaad kaddib ay mar kale kulamayaan iyaga iyo wasiirka arrimaha gudaha.

“Kulanku wuxuu ahaa mid looga hadlayay sidii lagu sii dayn Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya u xiran,” ayuu yir mid ka mid ah odayaashii kulanka la qaatay wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, oday dhaqameedkan ayaa sheegay in kulanku uu ahaa mid si wanaagsan la isugu af-gartay lana ballamay toddobaad kaddib, inkastoo uu sheegay inay rajeynayaan in Sheekh Xasan Daahir lasii daayo iyo in kale.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca wasiirka arrimaha gudaha oo ku saabsan shirka uu maanta la yeeshay odayaasha, kaasoo looga hadlay sidii dowladdu ay kusii dayn lahayd Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo goostay Xarakada Al-shabaab bishii Juun ee sannadkan ayaa odayaal iyo xildhibaanno dowladda ka tirsan waxay kasoo dajiyeen Sheekh Xasan Daahir garoonka diyaaradaha Muqdisho 29-kii Juun ee bishan, markaasoo ay dowladdu xabsiga u taxaabtay isaga iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo la socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaanno ku sameynayso Sh. Xasan Daahir, markaas kaddibna go’aan laga gaari doono, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo Sheekh Xasan uu warbaahinta siiyay tan iyo markii la xiray.

Isku-dayo badan oo lagu doonayay in lagu sii daayo Sheekh Xasan Daahir ayaa fashilmay; iyadoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona wadahadalkan cusub ee u billowday wasiirka arrimaha gudaha iyo odayaasha doonaya in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya