4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Xaflad casho-sharaf ah oo xalay Magaalada Jigjiga loogu sameeyay wufuud Tiradoodu ka badnayd Shan Kun oo qof (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Xaflad casho sharaf ah oo ay ka qayb-galeen in ka badan 5,000 oo qof oo ka mid ah wufuudda ka qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ee maanta ka furmaya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa xalay lagu qabtay magaaladaas.

Xafladdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wafdi ka socda dowladda Somalia oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, kuwaasoo isugu jira wasiir, xildhibaanno, salaadiin iyo bulshada rayidka ah.

Xubnaha kale ee dhinaca dowladda oo xafladdaas casho-sharafta ah goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ah, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole, wafdi ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha wakiillada Soomaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo uu ka mid ahaa wasiirka madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, hoggaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo xubno kale oo fara badan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha maamulka ismaamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay sharaf weyn u tahay inuu markii ugu horreysay ku qabto magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Cumar wuxuu sheegay in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah, wuxuuna xusay in wufuuddu ay ku farxi doonaan xuska qowmiyadaha Itoobiya.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa ka furmaya magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya, kaasoo lagu soo bandhig doono dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ka jira, iyadoo inta ay xafladdu socoto ay jiri doonaan carwooyin kala duwan oo lagu soo ban-dhigi doono magaalada Jigjiga.

Xuskan ayaa waxaa ka qaybgalaya kumannaan wufuud ah oo ka kala socda dalalka Afrika, kuwa dariska la ah Itoobiya iyo dad kale oo dibadda Afrika ka imaanaya, iyadoo diyaargarow xooggan uu maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya