4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
MADAXWEYNAHA DALKA NAYJER: “Dhibaatooyinka ka taagan Liibiya waxay dalkaas u ekeysiiyeen sidii Soomaaliya oo kale”


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Khataraha ka jira dalka Liibya waxay u ekeysiiyeen dalkaas sidii Somalia oo kale, sidaa waxaa yiri madaxweynaha dalka Nayjar, Mahamadou Issoufou oo la hadlayay warfidiyeenka isagoo kusii jeeda magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska oo uu ka socdo shir ammaanka Qaaradda Afrika looga hadalyo.

“Cabsida aan qabno ee ka jirta dalka Liibiya waa inay awoodda gacanta ugu jirto kooxo argagaxiso ah, wuxuuna dalkan noqon karaa sida Soomaaliya oo keliya,” ayuu Issoufou u sheegay wariyeyaasha.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Nasiib-darro, waxaan arkaynaa in magaalada Benghazi ay ku xoogeysanayaan kooxaha salafiyiinta loo yaqaan, halkaasoo ay ku dilaan dad shacab ah maalin walba, waana in dhibaatada Liibiya kasoo socota laga hortago.”

Kooxo hubeysan ayaa maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay ku dilay bartamaha magaalada Benghazi macallin u dhashay dalka Mareykanka oo wax ka dhigayay iskuul halkaas ku yaalla.

Sidoo kale, madaxweynaha Nayjar wuxuu sheegay in dowladda Liibiya ay la hardamayso sidii ay u qorshe ugu heli lahayd dagaalayahannadii xukuunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Mucammar Al-Qadaafi, kuwaasoo hadda isku dayaya inay dhistaan dowlad iyagu iyagu madax ka yihiin.

Issoufou oo dalkiisu uu kasoo kabanayo colaadddo muddo dheer ka socday ayaa sheegay in la joogin xilligii ay dalalka ku yaalla Saaxil ay khayraadka dalalkooda uga faa’iideysan lahaayeen, una sameyn lahaayeen urur ay ku mideysan yihiin si ay uga hortagaan kuwa doonaya inay dalalkaas colaadaha ka abuuraan.

“Wax badan ayaan arrintan ka hadlay, balse ma jiro waxqabad muuqda,” ayuu yiri Issoufou oo intaas ku daray: “Innaga Nayjar ahaan waxaan ku taamaynaa inaan sameyno urur si wadajir ah xal ugu hela colaadaha ka jira dalalka ku yaalla Saaxil, waayo waxaa ugu dhib badan in ammaanka wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Nayjar oo xuduud wadaag ay yihiin Liibiya ayaa sheegay inay dalalka ku yaalla gobolkaas ku yaalla ay sameystaan ciidammo gaar ah oo la socda dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha Liibiya, isagoo sheegay inuu isagu yahay ruux dhinaca wanaagsan wax ka eega.

Soomaaliya oo ay colaado ka jireen muddo 22-sano ah ayaa waxay madaxda caalamku ka dhigtaan tusaale markii ay arkaan dalka colaado dhex-muquuranaya, inkastoo caalamka uu hadda diyaar u yahay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii colaadihii muddad dheer ka jiray ay ua soo kaban lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya