4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
FOWSIYO YUUSUF: “Nelson Mandela wuxuu astaan weyn u ahaa Midnimada iyo dib u Heshiisiinta Waddanka Koonfur Afrika”


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qaybgalaysa shirka looga hadlayo amniga iyo nabadgalyada qaaradda Afrika ee ka socda Paris ayaa sheegtay in Nelson Mandela uu astaan u ahaa midnimada iyo dib u heshiisiinta dalka Koonfur Afrika.

Fowsiyo ayaa warsaxaafadeed ku qornaa afka Ingiriiska oo ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya lagu hoggaamin karo calaamadihii uu ka tagay Mandela ee ahaa midnimada iyo dib u heshiisinta.

“Madaxda Afrika ee isugu timid Paris dhammaatood waxay ka murugoodeen geeridii ku timid wiilkii weynaa ee Qaaradda Afrika. Xusuusta uu nooga tagay waa xorriyad u dirirka, u ololeynta cadaaladda iyo in qofka uu gaari karo wuxuu ku haminayo,” ayay tiri Fowsiyo.

Wasiiradda oo sii hadlaysa ayaa tiri: “Haddaan nahay Soomaali wuxuu nooga tagay casharro muujinaya mideynta Qaranka iyo dib u heshiisinta, taasoo aan ku gaari karno waxaan doonayno haddii aan si wadajir ah u shaqeyno.”

Mandela dalkiisa wuxuu uga tagay horumar iyo nabad, wuxuuna markii uu la wareegay xukunka horumariyay dhaqalaaha dalkiisa, taasoo uu ku mutay in dunida oo dhan qadarin looga hayo maanta.

Sidoo kale, waxay sheegtay in Soomaalida looga baahan yahay in si dhab ah u raacaan waddooyinkii uu maray Mandela iyo sidii uu ugu horseeday dalka Koonfur Afrika wanaagga iyo horumarka ay maanta ku nool yihiin.

“Xaqiiqdii haddii aan dabaqno hal arrin oo ka mid ah waxyaabihii uu Mandela ka tagay, waxaan dalkeenna ku hoggaamin karaa midnimo Qaran iyo inuu horay u socdo oo aan ka baxo colaadaha iyo rabashada muddada dheer  soo jiray,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku dartay.

Dhanka kale, wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay sheegtay inuu shirk aka dhacay Faransiiska yahay mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Faransiiska, qodobbada kasoo baxana waa mid aan uga faa’iideysan karno sugidda ammaanka dalkeenna iyo horumarinta dhaqaalihiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya