4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2013
Murashax C/weli Gaas oo Boosaaso lagu soo dhoweeyey (SAWIRRO)

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimo ee Puntland, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calammo, caleemo qoyan iyo weliba boorar ay ku qoran yihiin ereyo soo dhoweyn ah, ayaa Musharrax Gaas kaga hortegey meel shan kiilo mitir magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, waxaana intaas kaddib loosoo galbiyey hoteelka loogu tala galay inuu dego, halkaas oo warbaahinta iyo dadkii soo dhoweeyeyba uu kula hadlay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Gobolka Bari, Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago, oo kamid ahaa waxgaradkii ka qayb qaatay soo dhoweynta Musharraxa, ayaa hadalka furay, wuxuuna sheegay in dhammaan qaybaha bulshada ee magaalada Boosaaso ay C/weli gacamo furan kusoo dhoweynayaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Musharrax Gaas oo intaas kaddib hadalka qaatay, ayaa u mahadceliyey dadweynihi boqollaalka gaarayey ee soo dhoweeyey, wuxuuna sheegay in qaabka loo soo dhoweeyey uu caddaynayo, sida ay bulshada magaalada Boosaaso ku dhaqani is-beddelka ugu heellan yihiin.

"Reer Boosaaso waad hadasheen maanta, farriintiinii waad dhiibateen, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin...Puntland iyo Boosaaso waxay u baahan yihin is-beddel hadda ah, mid berito ah maahan..." Musharrax Gaas ayaa yiri.

Isagoo sharraxayey is-beddelka ay xilligan Puntland u baahan tahay, wuxuu yiri: " Puntland waxay u baahan tahay is-beddel siyaasadeed iyo mid dhaqaale, si ay dunida ula jaanqaado, ulana tartanto maamullada kale ee dalka ka jira."

Musharrax C/weli Maxamed Cali Gaas oo horay usoo noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, xilligii uu dalku ku jirey marxaladda kumeel gaarka ah, wuxuu qayb ka yahay in ka badan 20 musharrax oo shaaciyey in ay u tartami doonaan xilka madaxweynenimada ee maamulka Puntland, marka la gaaro doorashada madaxtinimada ee dhici doonta 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2014.

 Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya