4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh, C/raxmaan Faroole iyo Axmed Siilaanyo oo ka hadlay Geeridii Mandela

Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynayaasha maamullada Somaliland iyo Puntland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha Somalia ayuu ku sheegay in Nelson Mandela uu ahaa hoggaamiyeyaasha dunida aadka looga xushmeeyo, isla markaana hormuud u ahaa inta u doodda cadaaladda iyo xornimda.

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh caalamka, geeridiisuna waa mid ku timid geesiga Afrika. Mandela wuxuu ahaa nabadoon laga wada xusuusto qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhammaan inta u doodda cadaaladda iyo xornimada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo isna ka hadlay geerida Mandela ayaa ku sheegay inuu ahaa hoggaamiye Afrikaan ah oo aad loo xusuusto, isagoo ku tilmaamay nin u dhabar-adaygay sidii dalkiisa uu ku gaarsiin lahaa xorriyad.

“Nelson Mandela waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa geesi dadaal u galay sidii dalkiisa uu uga xoroobi lahaa midab-kala-soocii ka jirtay, waana geesi weyn oo dunida ka baxay,” ayuu yiri Siilaanyo. Isagoo xusay inuu dulqaad badan muujiyay.

Madaxweynaha Puntland oo isaguna ka hadlay geeridan ayaa Mandela ku tilmaamay geesi aan Afrika soo marin, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in tusaale laga dhigto taariikhdii uu ka tagay.

“Hoggaamiye weyn ayaa Afrika ka baxay, wuxuu ahaa geesi dadaal badan u soo galay inuu dalkiisu xoroobo, wuxuu 27-sano u xirnaa cadaalad-darro, markii lasoo daayayna wuxuu cafiyay dhammaan kuwii dhibaatada u geystay, taasna waa mid ka mid ah tusaalayaasha wanaagsan ee Mendela,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Dhammaan madaxda Soomaalida ayaa waxay si isku mid ah tacsi ugu direen ehellada madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo xalay ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla Zuweto oo ku taalla duleedka Johannesburg, isagoo ay da’diisu ahayd 95 sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya